Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 19-ka Febraayo 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Suuqa guud ahaan wuu hoos u dhacay maanta
Qiimaha Bitcoin wuxuu ku ganacsanayaa meel u dhow $66,000–$68,000, iyadoo volatility-gu uu hoos u dhacay ka dib hoos u dhicii bilowgii Febraayo. Taas micnaheedu waa in suuqa uu hadda ku jiro dhaqdhaqaaq xaddidan.
2. Sababaha hoos u dhaca
Sababta ugu weyn ee hoos u dhaca suuqa crypto waxaa keentay sawir federalka Mareykanka (Fed) oo muujinaya suurtogalnimada siyaasado adag oo dul-saarka (rate hikes), taasoo hoos u dhigtay rabitaanka maal-gashadayaasha ee hantida halista ah sida Bitcoin, Ethereum iyo XRP.
Saameyntan waxay sidoo kale keentay in ETFs-yada Bitcoin iyo Ethereum ay dib uga baxaan maal-geliyayaal badan (outflows), halka Solana ay heli karto maal-gelin cusub.
3. Qiimaha XRP ayaa la saameeyey qiime yareyn weyn
Bangiga Standard Chartered ayaa hoos u dhigay price target-ka XRP ilaa $2.80 kaliya sannadka 2026, taasoo ka tarjumeysa hoos u dhaca kalsoonida suuqa ee token-kan.
4. Aragtida suuqa
Maalgashadayaasha caanka ah ee Michael Saylor ayaa ku tilmaamay in suuqa crypto uu hadda ku jiro crypto winter marxalad hoos u dhac joogto ah, hase yeeshee uu filayo in mar dambe uu dib u soo kici doono xilliga “spring/gu’”.
5. FOMC Minutes & Suuqa
Warbixinta kulankii FOMC ayaa muujisay dood ku saabsan suuragalnimada in la kordhiyo dulsaarka haddii sicir-bararka aanu hoos u dhicin sida la rabay, taasoo rajo xun ku abuurtay suuqyada crypto iyo saamiyada labadaba. Cabsida suuqa ayaa sare u kacday, iyadoo Fear & Greed Index uu yahay mid muujinaya “Extreme Fear”.
6. Total Market Cap
Guud ahaan total crypto market cap ayaa hoos u dhacay in ka badan 1% 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo suuqa uu hadda ku dhow yahay $2.3 trillion.
7. ETF Outflows
Waxaa jiray outflows ballaaran oo ka socda U.S.-listed Bitcoin iyo Ethereum spot ETFs, taasoo tilmaamaysa in maal-geliyayaal badan ay ka baxayaan suuqa maalgashiga crypto.
8. Bitcoin Range & Sentiment
Bitcoin waxaa lagu tilmaamay inuu ku jiro “tight trading range” (iqtiro xaddidan) dhexdiisa $65.7K ilaa $71.7K, iyadoo Fear & Greed Index uu muujiyo cabsi xad dhaaf ah oo suuqeed taasoo ka dhigan inay jirto baahi weyn oo dib-u-fiirin ah.