Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 26-ka Febraayo 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

Suuqa Crypto Oo Dib Usoo Kabanaya

Bitcoin (BTC) ayaa maanta si weyn u soo kacay. Qiimaha BTC ayaa kor u kacay qiyaastii 5–8% una soo dhowaaday $70,000 saacadihii ugu dambeeyay, taasoo calaamad u ah soo kabasho ka timid hoos u dhaca suuqa.
Waxaa jira ETF-yo la geliyey lacag cusub taas oo muujineysa in maalgashadayaasha waaweyn (institutional investors) ay dib u xiisaynayaan Bitcoin.
Suuqa guud ayaa muujiyey kordhin qiyaastii 4–8% iyadoo Ethereum iyo altcoins kale ay sidoo kale korodhay.

Altcoins Iyo Qiimaha Kale

Cardano (ADA) ayaa maanta kacday 16%, dib ugu soo laabatay liiska 10-ka ugu qiimaha badan crypto-yada.
Altcoins sida Dogecoin iyo Ethereum ayaa sidoo kale soo qabtay dhaqdhaqaaq wanaagsan, iyadoo ETH ay kor ugu sii laabatay meelaha muhiimka ah.

Macnaha Suuqa & Aragtida Analyst-yada

Key technicians iyo falanqeeyayaal waxay ku tilmaamayaan dhaqdhaqaaqan “relief bounce” taasoo ah soo kabasho ku timaadda xaalad baabi’in cabsi ah, laakiin wali lama xaqiijin inuu yahay bilowga bull run-ka cusub.
Strategist-yada suuqa qaarkood waxay rumaysan yihiin in suuqa selloff-ka uu hadda ka dhamaaday inta badan, taasoo laga yaabo inay sii xoojiso fursadaha kororka mustaqbalka.

Waa Maxay Sababaha keenay sare ukaca suuqa maanta?

Suuqa crypto waxaa maanta kiciyey dhowr arrimood:
1: Corporate & ETF inflows (lacag cusub oo soo gashay ETFs), taasoo muujinaysa kalsooni.
2: Liquidations (dhibaatada suuqa oo la xaliyay) oo sababay in dadka “short positions” ku jira suuqa laga saaro, taasoo sii dhiirrigelisay kororka qiimaha.
3: Falanqeyn farsamo oo muujisay in Bitcoin uu dib u helay $68,000, taasoo ah heer muhiim u ah isbeddelka qiimaha.

CeFi, Regulation Shuruuc Iyo La jaanqaadid

Gate (platform weyn oo crypto ah) ayaa helay liisan Payment Institution oo dhanka EU ah (PSD2), taasoo ka dhigan inay si sharci ah uga shaqayn karto adeegyo lacag-bixineed EU gudaheeda taasina waxay u sahlaysaa isticmaalayaasha inay si nabdoon ugu xirmaan stablecoins iyo adeegyo kale.

Tokenized securities (ama hantida sharci ahaan la qeexay ee lagu sawiray blockchain) ayaa la faahfaahiyey, taasoo muujinaysa in sharci-dejiyayaasha Mareykanka ay doonayaan inay qeexaan sida hantida dijitaalka ah loo waafajin karo sharciyada suuqyada.

Web 3.0 Iyo DeFi Infrastructure

Dhanka Web3, warbixin cusub ayaa tilmaamaysa in dApps (Barnaamijyada Decentralized) maanta loo dhisayo si ay uga shaqeeyaan kaydinta decentralized halkii laga isticmaali lahaa daruuraha caadiga ah tani waxay ka dhigaysaa Web3 mid aan laga xirin hal shirkad.

Web3 (Web 3.0) waxaa loo arkaa nooca internetka ee ku saleysan blockchains, decentralization iyo smart contracts, taas oo beddeshay qaabkii hore ee internetka.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *