Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 28-ka Febraayo 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xogta guud ee Suuqa
Qiimaha Bitcoin (BTC): Wuxuu maanta uu gaaraye qiyaastii ilaa $65,500–$63,200 kadib saameyn ka timid dagaal ka Bariga Dhex ka bilaabamay.
Cardano USDCx: Warbixinno CMC ah ayaa sheegaya in USDCx lagu bilaabay Cardano, taasoo keenaysa in liquidity iyo hababka lacagaha xasilloon (stablecoin rails) ay si weyn uga faa’iideystaan deegaanka Cardano tani waxay kordhin kartaa isticmaalka DeFi iyo jeebka institutionalka ee ADA.
Flare / XRP (FXRP): On-chain data ayaa muujisay kor u kac ballaaran oo FXRP (wrapped XRP on Flare) ah in ka badan 3 milyan FXRP ayaa la Minting 24 hours ee la soo dhaafay, taasoo muujinaysa kalsooni xooggan oo ay haystaan qaar ka mid ah dadka maalgalinta ku sameeay iyo isticmaaleyaasha DeFi.
2. Magic Eden oo diiradda saaraya Solana
Suuqa NFT-ga Magic Eden ayaa joojiyey taageeradii Bitcoin iyo Ethereum, isagoo xoogga saaraya Solana. Tani waxay muujinaysaa tartanka ka dhex jira ecosystems-ka NFT iyo raadinta Qiime hoose iyo xawaare sare.
Saameyn: Solana NFT-yada ayaa heli kara dhaqdhaqaaq cusub.
3. Saameynta Dagaalka Bariga Dhexe ee Suuqa
Wararka dagaalka Bariga Dhexe ee maanta dhacay waxay si toos ah u saameeyeen suuqa crypto, gaar ahaan Bitcoin iyo altcoins-ka waaweyn. Saameyntu waxay u dhacday qaab la mid ah sida ay u saameeyeen suuqyada kale ee dhaqaalaha caalamga ah marka ay dhacaan xiisado siyaasadeed oo waaweyn:
a) Hoos u dhac degdeg ah (risk-off reaction): waxa maal-gashiyaal badan u guureen hantida loo arkayo Ammaan ka sida Dahab ka iyo Lacagah cadaan ka ah. Tani waxa ay keentaye in uu hoos u dhaco suuqa.
b) Liquidations iyo leverage-ka oo la xiray: Suuqa futures-ka crypto waxaa ka dhacay liquidations badan, gaar ahaan long positions. Markii qiimuhu hoos u dhacay, positions leverage leh ayaa si toos ah loo xiray, taasoo sii dardargelisay hoos u dhaca.

c) ETF flows oo gaabis noqday: Inkasta oo ETF-yada Bitcoin ay maalmo ka hor lahaayeen inflows, wararka dagaalka waxay keeneen in qulqulka lacagaha uu gaabis noqdo, qaarna ay noqdaan outflows. Hay’adaha waaweyn badankood waxay sugaan xaaladda ka hor inta aysan lacag cusub gelin.

d)Volatility aad u sareysa: Dagaalka iyo khataraha geopolitikalka waxay kordhiyaan
- Price swings degdeg ah
- Volume aan degganayn
- FUD (Fear, Uncertainty, Doubt) suuqa dhexdiisa
Amniga Crypto $580M oo la qabtay
Hay’adaha la dagaallama Hacker ka ee crypto ayaa sheegay inay qabteen ama xannibeen in ka badan $580 milyan oo la xiriirta shabakado scam ah oo ka shaqeeya Koonfur-bari Aasiya.
Cadaadiska sharci iyo amni ayaa sii kordhaya, taasoo saameyn karta exchanges-ka iyo isticmaaleyaasha.