Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 03-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.32 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 123.28 billion.

Bitcoin Dominance: 58.5%
Altcoins (Guud): 41.5% iyo Altcoin Season Index ah 37% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah.  Fear & Greed Index: 20% muujinaya cabsi / taxadar maalgashi.

Stablecoins (manta lakala iibsaday):
USDT = $ $103.14 Billion
USDC = $ 17 Billion

Qiimaha hadda:
Bitcoin (BTC) = $67,826.42 
Ethereum (ETH) = $1,967.69

Suuqa saamiyada & mustaqbalka maaliyadeed

Futures-ka suuqa Mareykanka ayaa hoos u dhacay si weyn, taas oo muujinaysa in maal-gashadayaashu ay ka cabsanayaan in xiisadda dagaalka ee Iran ay sii ballaaran karto, iyadoo Dow™️, S&P 500™, iyo Nasdaq™️ ay dhulka isku hayaan hoos.

Isbeddelka suuqa ayaa laga dareemayaa in maal-gashadayaasha ay ka janjeeraan hantida “badbaado” sida doolarka Mareykanka, halka stocks-yada halista leh ay hoos u socdaan.

Qiimaha shidaalka & tamarta

Saliidda Brent ayaa kor u kacday ilaa heerar cusub (kor u dhaafay $80–83 per barrel) sababtoo ah khataraha ku jira goobaha shidaalka Bariga Dhexe iyo hakadka maraakiibta ee Strait of Hormuz.

Khubarada suuqyada ayaa digaya in haddii xaaladdu sii adkaato, qiimaha saliidu uu gaari karo $100–$150 barrell.

Saameynta sicir-bararka iyo siyaasadda lacagta

Qiimaha tamarta oo kordhay ayaa dib u soo noolaynaya cabsi laga qabo sicir-barar sare, taasoo saameyn karta go’aanada bangiyada dhexe ee ku saabsan hoos u dhigista dulsaarka.

Saameynta mustaqbalka crypto

Xaaladda dagaalka ayaa sababtay in maal-gashadayaasha crypto ay noqdaan kuwo taxadar badan, gaar ahaan marka ganacsigu yahay mid la xiriira khatarta (risk-off).

Suuqa crypto wuxuu noqon karaa mid xasaasi ah marka uu dagaalku sii socdo maadaama ay qiimaha Bitcoin iyo altcoins ay si toos ah uga falceliyaan xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed.

Xiisadda Iran iyo Saameynta Energy Markets

Strait of Hormuz kanaalka ay ku dul marayaan boqolkiiba weyn ee saliidda iyo gaaska adduunka ayaa si weyn loo joojiyey ka dib markii Iran ay ku hanjabtay inay xidho kanaalka una hanjabtay maraakiibta, taasoo keentay in saliida iyo LNG-ga ay kor u kacaan.

Dagaalka ayaa sababay in dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka uu hoos u dhaco, taasoo keenaysa in shirkado waaweyn ay hakiyo ganacsigooda badda iyadoo khataraha ay sare u kaceen.

Gas Prices iyo Energy Supply

Qiimaha gaaska dabiiciga ee Yurub ayaa kor u kacay in ka badan 50% sababtoo ah hakadka ka yimid Qatar, halka keydkii gaaska ee Yurub uu aad u hooseeyo.

Tani waxay sare u qaadaysaa kharashka tamarta ee yurubiyaanka, taasoo saameyn karta wax-soo-saarka iyo sicir-bararka gudaha.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *