Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 04-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.48 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 143.33 billion.

Bitcoin Dominance: 59.3%
Altcoins (Guud): 40.8% iyo Altcoin Season Index ah 31% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah.   Fear & Greed Index: 19% muujinaya cabsi / taxadar maalgashi.

Stablecoins (manta lakala iibsaday):
USDT = $119.96 Billion
USDC = $16.92 Billion

Qiimaha hadda:
Bitcoin (BTC) = $73,479.42 
Ethereum (ETH) = $2,149.50

Suuqa Crypto Maanta

Bitcoin ayaa maanta sameeyay soo kabasho xoog leh, isagoo ka gudbay heerka $71,000 – $72,000, taas oo ah koror qiyaastii 5% ah hal maalin gudaheed.

Kororkan waxaa sababay dhowr arrimood oo muhiim ah: Maalgashadayaal badan oo dib ugu soo laabtay crypto kadib hoos u dhacii hore, Xiisadaha caalamka oo kordhiyay xiisaha hantida dijitaalka ah, Stocks qaar oo hoos u dhacay, taasoo keentay in traders qaarkood u wareegaan crypto

Shirkadaha la xiriira crypto sida Coinbase iyo Strategy (MicroStrategy) ayaa sidoo kale arkay koror qiime ah kadib rally-ga Bitcoin. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha suuqyada waxay sheegayaan in crypto uu weli yahay suuq aad u xasaasi ah, maadaama xiisadaha dagaalka iyo dhaqaalaha caalamka ay saameyn ku yeelan karaan qiimaha.

Wararka Ugu Cusub ee Whales (Maalgashadayaasha Waaweyn)

Xogta On-chain waxay muujinaysaa in Crypto Whales ay mar kale bilaabeen ururin xoog leh (accumulation), iyadoo boqolaal kun ETH laga saaray exchanges-ka, taasoo tilmaamaysa in maal-gashadayaasha waaweyn ay u arkaan qiimaha hadda fursad iibsasho oo mustaqbalka keeni karta rally cusub.

Suuqa Stocks Iyo Caalamka

Suuqyada saamiyada adduunka maanta waxay galeen hoos u dhac iyo volatility, sababtoo ah xiisadaha geopolitics. Suuqa Mareykanka: Dow Jones hoos ayuu u dhacay boqolaal points, S&P 500 iyo Nasdaq sidoo kale hoos ayey u dhaceen

Maalgashadayaasha ayaa ka cabsi qaba in xiisadaha Bariga Dhexe ay keeni karaan kororka qiimaha tamarta iyo sicir-barar cusub. Dhanka Asia, suuqyada qaar ayaa si weyn u dhacay.
Suuqa South Korea (KOSPI) ayaa hoos u dhacay in ka badan 12%, taasoo noqotay hoos u dhicii ugu weyn ee taariikhdiisa.

Hoos u dhacaas ayaa sababay:

  • Cabsida dagaalka Iran
  • Qiimaha saliidda oo kor u kacay
  • Maalgashadayaasha oo ka baxaya stocks halis leh

Qiimaha Saliidda & Suuqa Tamarta

Suuqa tamarta ayaa noqday mid ka mid ah meelaha ugu firfircoon maanta. Qiimaha Brent crude oil wuxuu gaaray qiyaastii $82 – $85 barrel, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay muddo dheer., Sababaha ugu waaweyn:

  • Xiisadaha militari ee Bariga Dhexe
  • Khataraha sahayda saliidda
  • Maraakiibta shidaalka oo ka baqaya inay maraan marin-biyoodka Hormuz.

Saameynta Dhaqaalaha Caalamka

Xiisadaha geopolitics ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, Saameynta ugu weyn waxaa ka mid ah:

  • Kororka qiimaha tamarta
  • Hoos u dhaca stocks
  • Sicir-barar cusub oo laga cabsi qabo
  • Ganacsiga badda oo hakad galay

Khataraha ugu waaweyn ee falanqeeyayaashu ka digayaan waa:

  • Dhaqaale caalami ah oo gaabis noqda
  • Inflation oo mar kale kordha
  • Bangiyada dhexe oo dib u dhigta hoos u dhigidda interest rates.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *