Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 05-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.42 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 126.04 billion.

Bitcoin Dominance: 59.0%
Altcoins (Guud): 41% iyo Altcoin Season Index ah 36% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah.    Fear & Greed Index: 26% muujinaya cabsi / taxadar maalgashi.

Stablecoins (manta lakala iibsaday):
USDT = $ 105.88 Billion
USDC = $ 15.92 Billion

Qiimaha hadda:
Bitcoin (BTC) = $70,989.20 
Ethereum (ETH) = $2,072.78

2. Dagaalka Iran oo sii xoogeysanaya

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Mareykanka & Israel ayaa galay maalintii 6-aad iyadoo duqeymo culus ay ka socdaan Tehran iyo meelo kale. Wararka waxay sheegayaan in gantaallo iyo drones la is dhaafsanayo, halka dad badan ay ku jiraan xaalad adag iyo internet go’doon.

Sidoo kale xiisadda badda ayaa sii kordhaysa kadib markii Iran sheegtay inay weerartay maraakiib ku dhow Strait of Hormuz, taas oo ah marin muhiim u ah shidaalka adduunka.

3. Suuqyada caalamka hoos ayey u dhacayaan

Suuqyada saamiyada adduunka ayaa hoos u dhacay iyadoo maalgashadayaashu ka walwalsan yihiin dagaalka Bariga Dhexe.

  • Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay.
  • Gold iyo USD ayaa noqday “safe haven”.
  • Bitcoin wuxuu ku dhow yahay $72K.

4. Crypto, OKX qiimeheedu gaaray $25B

Shirkadda crypto exchange OKX ayaa gaartay qiime dhan $25 bilyan kadib maalgashi ka yimid shirkadda leh New York Stock Exchange. Tani waxay muujinaysaa in bangiyada iyo Wall Street ay sii kordhinayaan maalgelinta crypto.

5. Sharci cusub oo crypto ah oo hakad galay

Sharciga Mareykanka ee lagu hagaajin lahaa nidaamka crypto (Clarity Act) ayaa mar kale hakad galay sababtoo ah khilaaf u dhexeeya bangiyada iyo shirkadaha crypto. Bangiyadu waxay ka baqayaan in lacagaha macaamiisha ay u wareegaan crypto haddii sharciyada la fududeeyo.

6. DeFi (Decentralized Finance)

Daraasado cusub ayaa muujinaya in Total Value Locked (TVL) ee DeFi uu gaarayo qiyaastii $130B–$140B sanadka 2026, taas oo muujinaysa soo kabasho xooggan kadib hoos u dhacii hore ee suuqa crypto.

Ethereum ayaa weli hoggaaminaya DeFi iyadoo qiyaastii 68% TVL ay ku jirto shabakaddeeda. Mashruucyo cusub ayaa diiradda saaraya institutional DeFi si bangiyada iyo hay’adaha waaweyn loogu soo jiito suuqan.

7. NFT

Suuqa NFT wuxuu dib u soo noolaaday iyadoo analytics tools iyo whale tracking ay isticmaalayaan AI si loo ogaado dhaq-dhaqaaqa wallet-yada waaweyn iyo iibka NFT-yada waaweyn. NFT-yada hadda waxay sii ballaarinayaan isticmaalka gaming, metaverse, iyo Bitcoin ecosystem.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *