Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 06-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.34 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 104 billion.

Bitcoin Dominance: 58.7%
Altcoins (Guud): 41.4% iyo Altcoin Season Index ah 35% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah.    Fear & Greed Index: 20% muujinaya cabsi / taxadar maalgashi.

Stablecoins (manta lakala iibsaday):
USDT = $87.43 Billion
USDC = $13.19 Billion

Qiimaha hadda:
Bitcoin (BTC) = $68,258.96   
Ethereum (ETH) = $1,973.86  

2. Bitcoin hoos ayuu uga dhacay $71K

Bitcoin ayaa hoos uga dhacay $71,000 kadib markii rally-giisii dhowaa uu istaagay. Suuqa wuxuu wajahaya resistance xooggan kadib kororkii todobaadkan. Dhaqdhaqaaqan waxaa saameeyay xiisadaha dagaal ee Bariga Dhexe iyo cabsida maalgashadayaasha.

3. $2.6B crypto options ayaa maanta dhacaya

Qiyaastii $2.6 bilyan oo Bitcoin & Ethereum options contracts ah ayaa maanta dhacaya. Tani waxay keeni kartaa volatility weyn saacadaha soo socda ee suuqa crypto.

4. Ethereum wuxuu ku dhow yahay resistance muhiim ah

Ethereum wuxuu gaaray heer muhiim ah oo ku dhow $2,160 resistance. Falanqeeyayaasha qaar waxay ka digayaan in breakout-ka uu noqon karo “bull trap” haddii volume-ku daciif noqdo.

5. Suuqyada caalamka & crypto

Stocks iyo crypto labaduba waxay la kulmeen hoos u dhac kadib xiisadaha geopolitics. Si kastaba, qaar ka mid ah suuqyada ayaa hadda muujinaya stabilization kadib sell-off-kii hore ee usbuucan.

6. ETF outflows iyo cabsi suuqa

Maalgashiga institutional-ka ayaa yaraaday iyadoo $228M laga saaray crypto funds. Tani waxay muujinaysaa in maalgashadayaasha waaweyn ay qaarkood risk ka yareynayaan.

7. Whales ayaa bilaabay inay mar kale iibsadaan BTC

Xogta on-chain waxay muujisay in wallets-ka haysta 10,000 BTC ama ka badan ay dib u bilaabeen accumulation (iibsasho). Wadarta BTC ee whales-ka ayaa kordhay ilaa 2.26 milyan BTC, taas oo muujinaysa in maalgashadayaasha waaweyn ay dib u galayaan suuqa.

8. Gold kor ayuu u kacay – Safe Haven Demand

Qiimaha gold ayaa kor u kacay kadib markii maalgashadayaashu u wareegeen safe-haven assets. Spot gold wuxuu gaaray qiyaastii $5,095 – $5,120 ounce-kiiba iyadoo traders ay raadinayaan badbaado dhaqaale.

Sababta dahabka u kacayo

Xiisadaha Bariga Dhexe iyo dagaal sii fidaya ayaa kordhiyay baahida dahabka. Maalgashadayaasha badankood waxay u arkaan gold inuu yahay hanti badbaado (safe haven) marka suuqyada kale ay noqdaan kuwo aan xasiloonayn.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *