Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 07-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.32 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 60.06 billion.

  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,005.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha badan ee lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu marayaa $1,985.89
  • Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyo, qiimihiisa wuxuu marayaa $627.14
  • Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
  • Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loo adeegsado lacagta dirista caalamiga ah xawaare sare iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa $1.30.

2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
Sharci-dhex-dhexaadinta Maraykanka ayaa wali wajahaysa caqabad: hindise la yiraahdo Clarity Act ayaa mar kale istaagay waxaana ay muran ka taagan yihiin xeerarka stablecoins iyo badeecooyinka dulsaar-bixinta leh, iyadoo bangiyadu ka digayaan khataraha deposid ka. Isla markaana hay’adaha sharci-dejinta sida SEC ayaa gudbiyay tilmaamo cusub oo qeexaya waxa hantida crypto loo tixgelinayo.

3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Suuqa ETFs-ka Bitcoin ayaa sii wadi kara soo jiidashada hay’adaha lacagaha ku jira spot Bitcoin ETFs ayaa kor u kacay waxaana la arkay qulqulo maalgashi oo joogto ah, taasoo ka dhigaysa hay’adaha iyo sanduuqyada maalgashiga kuwo sii ballaarinaya booska ay Bitcoin ku leeyihiin balans-yadooda. Tusaale ahaan warbixinno cusub waxay tilmaamayaan in ETFs-ka ay hayo boqolaal bilyan oo doollar oo Bitcoin ah.

4. Coins-ka Cusub & Token-ada
Suuqa Presale ka iyo Tokens-ka cusub ayaa firfircoon, mashruucyadd Meme iyo Web3 ah ayaa kor u kacaya lacag-ururinno cusub, iyadoo qaar ka mid ah presale-yada March 2026 ay soo jiiteen malaayiin doollar. Maalgashadayaasha waxa ay taxaddar muujiyeen maadaama khataraha iyo hufnaanta mashruucyadu kala duwan yihiin.

5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
Wareejinta waaweyn ee Bitcoins iyo stablecoins ayaa wali lagu arkayaa blockchains kormeerayaasha sida Whale Alert waxay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo mararka qaar keena hoos dhac iyo sido kale kor u kaca qiimaha. Waxa kale oo la arkayaa in wareejinta USDT/USDC ay mararka qaar ka horeyso falal ganacsi oo waaweyn.

6. Tiknoolajiyadda Blockchain
Horumarinta protokoollada ayaa socota, kooxo iyo mashruucyo waaweyn ayaa sii wada hagaajinta waxqabadka iyo miisaan-lacageed (scalability), iyadoo la shaaciyay mudnaanta la siinayo hagaajinta waxtarka iyo Layer-2 solutions. Warbixinnada rasmiga ah ee madalaha waaweyn ayaa tilmaamaya diiradda la saarayo xawaare iyo kharash yarayn.

7. AI & Web 3.0
Iskaashiyo cusub oo AI + Web3 ah ayaa soo baxaya mashruucyo isku dara ah awoodda AI iyo app ka Web3 (tusaale partnership-yada cusub ee madalaha music/xayeysiiska iyo AI), taas oo abuureysa adeegsiyo cusub sida abuurista content automated iyo monetization Web3. Horumarkan ayaa keenaya suurtogalnimada adeegyo cusub iyo kordhinta xiisaha tokenized assets.

8. NFT & DeFi
Suuqyada DeFi iyo NFT waxay muujiyeen koraayaal iyo dib u habayn: TVL (Total Value Locked) ee DeFi ayaa sii kordhaya sanad ba sanad ka danbeeyo, halka mashruucyo NFT iyo isku xirka DeFi ay sii wadaan hal-abuurka (liquidity, staking, iyo tokenized assets). Tani waxay soo jiidaneysaa maalgashi iyo adeegyo cusub laakiin sidoo kale khataraha amniga iyo xeer-dejinta.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *