Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 10-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.41 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $106.66 billion.

  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.0 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 41%
  • Altcoin season Index waxa uu sheegayaa in uu yahey 27% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $91.47 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $12.32 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $71,232.76
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,067.30
  • Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $649.96
  • Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $88.01.
  • Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.43.

2. Suuqa Meme Coins

Suuqa meme coins maanta wuxuu muujinayaa dhaqdhaqaaq xooggan, inkastoo coins qaarkood ay hoos u dhac weyn sameeyeen kadib hype hore. Tusaale ahaan coin-ka BONK ee ku shaqeeya Solana ecosystem ayaa wali la falanqeynayaa mustaqbalkiisa iyadoo qiimihiisu si weyn uga hoos maray heerarkii ugu sarreeyay.

3. Coins Cusub & Presales

Presale-yada crypto ayaa aad u firfircoon 2026, mashruucyo badan oo Web3 ah ayaa soo bandhigaya tokeno cusub si ay u helaan maalgelin. Qaar ka mid ah presale-yada cusub ayaa soo jiitay maalgashi badan iyadoo mashruucyada qaarkood ay isku dayayaan inay keenaan utility dhab ah oo blockchain ah.

4. Web3 & Infrastructure

Mashruucyada Web3 waxay sii kordhinayaan adeegyada ay bixiyaan, gaar ahaan dhinaca oracle networks iyo data integration. Mid ka mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee Web3 waa Chainlink, oo lagu sheegay in uu hore u suurtageliyay trillions of dollars transactions isla markaana isku xiraya blockchain iyo nidaamyada maaliyadeed ee dhaqanka.

5. AI + Blockchain

Isku darka AI iyo blockchain ayaa sii kordhaya, iyadoo shirkado badan ay tijaabinayaan sida AI agents, robotics, iyo blockchain ay u wada shaqeyn karaan si loo abuuro nidaamyo cusub oo digital ah. Horumarkani wuxuu keeni karaa adeegyo cusub oo automation iyo smart services ah oo ku shaqeeya Web3.

6. Duqeymo ka dhacay Tehran

Duqeymo ay Israel ka fulisay keydad shidaal iyo warshado ku yaalla Tehran ayaa sababay qiiq weyn iyo walaac ku saabsan saameynta deegaanka iyo shacabka. Iran ayaa cambaareysay weerarradaas, iyadoo ku tilmaantay marxalad cusub oo dagaalka ah.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *