Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 14-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.41 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $62.9 billion.

Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %58.7 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
Altcoin season Index waxa uu sheegayaa in uu yahey 29% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $108.16 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $108.31 billion.
Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,628.76.
Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,075.82.
Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $653.08.

Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.00.
Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.
2. DeFi (Decentralized Finance)
Maanta DeFi-ga ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq xooggan, tokens-ka DeFi qaarkood ayaa ka fiicneeday suuqa guud sababta la xiriirta casriyeynta borotokoollada, codsiyada governance iyo kororka hawlgalka DAO-da. Qaar ka mid ah borotokoollada amaahda iyo DEX-yada ayaa la sheegay inay heleen macaamiil iyo dib u cusboneesiin farsamo oo kor u qaaday kalsoonida maalgeliyayaasha, taasoo DeFi ka dhigaysa qayb ka mid ah Hormuud ka waxqabadka maalintan.
3) CeFi (Centralized Finance)
Warar ku saabsan wadahadallo istiraatiiji ah iyo balaayiin-doollar saameyn ku leh CeFi, shirkado waaweyn oo isweydaarsiga crypto ah ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan iskaashi iyo balaayiin maalgelin si ay u balaariyaan adeegyada iyo gelitaanka suuqyada caalamiga ah. Isla mar ahaantaana, isbeddellada xayeysiinta iyo dhacdooyinka waaweyn (sponsorships) ayaa saameyn ku yeeshay miisaaniyadda suuq-gaynta ee qaar ka mid ah isweydaarsiyada dhexe.
4) Suuqa NFT (NFT Market)
Suuqa NFT-ga ayaa muujinaya soo-kabasho bilow ah, ganacsi iyo xiisaha qaar ee uruurinta dhijitaalka ah ayaa kor u kacay bilihii ugu dambeeyay, inkastoo caqabado dhaqaale iyo taxaddar maalgelin ay weli jiraan. Qaar ka mid ah shirarka iyo dhacdooyinka NFT ee qaar ayaa la beddelay ama la kansalay, taas oo muujineysa in suuqu weli ku jiro dib-u-habeyn iyo kala-guur.
5) AI iyo Blockchain
Is-dhexgalka AI iyo blockchain ayaa noqday mowduuca ugu hadal haynta badan horumariyeyaasha AI iyo mashruucyada blockchain-ka ayaa sii xoojinaya xiriirkooda, iyadoo fikradda “agentic finance” (Ai-agent dhaqaale maamula) ay sare u kacday, halka stablecoins iyo borotokoollo kale oo la jaanqaadaya AI ay noqdeen furaha suuqa. Mashaaricadd AI-ku-saleysan ayaa maalgelin iyo xiiso helaya, taasoo muujineysa in isdhexgalka labada teknoolojiyad uu noqday halbeeg cusub oo suuqa.
6) Web3.0
Web3.0 iyo madalaha la xiriira waxay sii wadayaan inay ka soo muuqdaan shirarka iyo bandhigyada maalgashiga. Dhacdooyinka maalmahan ka dhacay Hong Kong iyo goobo kale ayaa diiradda saaraya sida Web3.0 uu ula shaqayn karo AI, maaraynta xogta iyo adeegyada maaliyadeed ee cusub. Taas waxa ku lammaan in shirkado iyo hay’ado maaliyadeed ay sii baarayaan fursadaha ganacsi ee Web3.0.