Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 15-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.44 trillion, halkaΒ (Volume)Β hantida guud ee suuqa la isku dhaafsadayΒ 24 saacΒ u dambaysay ay gaaraysoΒ $57.76 billion.

Awooda suuqaΒ Dominance waxaa haysto maantaΒ CoinkaΒ Bitcoin awood dhan %59.1Β halkaΒ AltcoinsΒ ay haystaan awood dhanΒ 43.91%

Altcoin season IndexΒ waxuu sheegayaa in uu yaheyΒ 23%Β taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso

Fear and Greed indexΒ halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahayΒ 33%Β taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

StablecoinsΒ sidaΒ USDT iyo USDCΒ ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto.Β USDTΒ waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhanΒ $82.10 billionΒ halkaΒ USDCΒ lagu kala ganacsadayΒ 8.48 billion.

Bitcoin (BTC)Β waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa mantaΒ $71,376.21.

Ethereum (ETH)Β waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaaΒ $2,098.89.

Binance Coin (BNB)-Β waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaaΒ $659.14.

Solana (SOL)-Β waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaaΒ $87.82.

Rippe (XRP)-Β waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatanΒ $1.42.

2.Β  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa meelmariyay sharci cusubΒ (ROAD to Housing Act) kaas oo Bankiga Dhexe (Fed) ka mamnuucaya inuu soo saaro lacagta dhijitaalka ah ee dowladda (CBDC) ilaa sanadka 2030.
  • BankigaΒ Dhexe ee Maraykanka ayaa soo jeediyayΒ in Bitcoin la saaro β€œ1250% risk weight”, taas oo ka dhigaysa in bankiyada waaweyn ay ku adkaan doonto inay xafidaan hantida Crypto-ga.
  • Hay’adda cusub ee Yurub u qaabilsan ka hortaggaΒ dhaqida lacagaha (AMLA) ayaa si rasmi ah ula wareegtay awooddii kormeerka ee shirkadaha Crypto-ga, taasoo bilaw u ah nidaam adag oo Yurub ah.
  • Ururka taageera Crypto-ga ee β€œFairshake PAC” ayaa malaayiin doolar geliyay doorashooyinka horudhaca ah ee gobolka Illinois si ay u taageeraan murashaxiinta u ololeeya shuruucda fudud ee Blockchain-ka.

3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Bitcoin ETF ee Maraykanka ayaaΒ helay in ka badan $180 Milyan hal maalin gudaheed, iyadoo sanduuqa IBIT ee BlackRock uu kaligiis soo gashay $143.6 milyan.
  • Dukumeentiyo la shaaciyay ayaa muujiyayΒ in bangiga weyn ee Goldman Sachs uu yahay hay’adda ugu weyn ee haysata XRP ETFs, hanti dhan $153.8 Milyan.
  • Shirkadda Grayscale ayaa billowdayΒ sanduuq cusub oo lagu maalgelinayo lacagta Avalanche (AVAX) oo laga dhex iibsan karo suuqyada saamiyada ee caadiga ah.
  • Hay’adda Ethereum Foundation ayaa 5,000 ETHΒ kaga iibisay shirkadda BitMine heshiis gaar ah (OTC) oo ku kacay $10 Milyan.

4. CeFi (Centralized Finance)

Warar ku saabsan wadahadallo istiraatiiji ah iyo balaayiin-doollar saameyn ku leh CeFi, shirkado waaweyn oo isweydaarsiga crypto ah ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan iskaashi iyo balaayiin maalgelin si ay u balaariyaan adeegyada iyo gelitaanka suuqyada caalamiga ah. Isla mar ahaantaana, isbeddellada xayeysiinta iyo dhacdooyinka waaweyn (sponsorships) ayaa saameyn ku yeeshay miisaaniyadda suuq-gaynta ee qaar ka mid ah isweydaarsiyada dhexe.

️5. Tiknoolajiyadda Blockchain

Sida ay warisay shirkadda falanqaynta ee BCA,Β Stablecoins-ka (sida USDT iyo USDC) ayaa iska beddelay kuwa loo adeegsado ganacsiga Crypto oo kaliya, waxayna noqdeen laf-dhabarta isku xirta xawilaadaha caalamiga ah ee adduunka.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *