Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 16-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.54 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $136.35 billion.

Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%

Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso

Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 43% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $74,128.15.

Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,335.07.

Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $678.68.

Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $94.68.

Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.53.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi karo shirkiisa uu la lahaa Madaxweynaha China, Xi Jinping, isagoo cadaadis saaraya Beijing si ay gacan uga geysato dib u furitaanka Marinka Hormuz.

SEC ayaa si rasmi ah u joojisay dacwaddii laba sano socotay ee ka dhanka ahayd aasaasaha BitCloutNader Al-Naji, iyadoo gebi ahaanba la laalay kadib markii dib loo qiimeeyay caddeymaha kiiska.

Golaha Senetka Australia ayaa taageeray nidaam shatiyeyn ah oo loogu talagalay is-weydaarsiyada Kiribto iyo shirkadaha kaydka (custodian) ee hantida dhijitaalka ah. Nidaamkan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in la dejiyo sharciyo cad oo lagu maamulo suuqa Kiribto isla markaana lagu xoojiyo ilaalinta maalgashadayaasha.

3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada Bitcoin.

BTC: $767.33M
ETH: $160.82M
SOL: $10.7M
XRP: – $28.07M

4. AI iyo Web 3.0

Suuqa tiknoolajiyadda AI iyo Web3.0 ayaa maanta muujinaya horumar cusub oo ay wadaan shirkado waaweyn iyo mashruucyo crypto ah. Shirkadda Alibaba Group ayaa qorsheynaysa inay soo saarto adeeg cusub oo AI agents ah oo loogu talagalay shirkadaha iyo ganacsiyada. Sida ay sheegtay Bloomberg, adeeggan ayaa u oggolaan doona ganacsiyada inay isticmaalaan adeega garaad macmal ah si ay u qabtaan hawlo kala duwan sida adeegga macaamiisha, falanqaynta xogta, iyo maamulka hawlaha ganacsi.

Dhanka kale, Paolo Ardoino, oo ah maamulaha guud ee shirkadda Tether, ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Tether AI ay toddobaadka soo socda soo bandhigi doonto mashruuc cusub oo weyn. Mashruucan ayaa la filayaa inuu isku xiro tiknoolajiyadda AI iyo blockchain, taasoo abuuri karta adeegyo cusub oo ku shaqeeya Web3.

Khubarada suuqa crypto waxay aaminsan yihiin in isku darka AI iyo Web3.0 uu noqon karo mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee tiknoolajiyadda sannadaha soo socda, maadaama shirkado badan ay bilaabeen inay adeegsadaan AI si ay u horumariyaan adeegyada ku shaqeeya blockchain.

5. Tiknooloojiyadda Blockchain

  • Waa maxay ERC-8183? Heerkan cusub wuxuu isku daraa sifooyinka token-ka iyo nidaam escrow ah oo smart-contract ku shaqeeya, si loo xaqiijiyo in bixinta lacagtu ay ku xiran tahay dhammaystirka ama caddeynta hawsha ay qabteen AI-agents.
  • Sidee ayuu u shaqeeyaa? AI agent ayaa dalbanaya adeeg/fulin shaqo, lacagta waxaa lagu dhigayaa escrow on-chain; marka hawsha lagu xaqiijiyo shuruudaha smart-contract-ka (tusaale: verification, oracle feed, ama consensus), lacagta ayaa la sii daayaa.
  • Ujeedada guud In la abuuro jawi u suurtogelinaya ganacsi madax-banan oo u dhexeeya moodelada iyo agents-ka AI, kaasoo qayb ka noqon kara waxa lagu tilmaamayo “AI-agent economy” halka mashiinnadu ay si is-wada ah u iibsan karaan adeegyo, xog, iyo awood xisaabeed.
  • Fursadaha ganacsi: Micro-payments, machine-to-machine commerce, suuqyada model-sharing iyo xog-provenance oo on-chain loo xaqiijin karo.
  • Saameynta DeFi iyo Web3: Borotokoollo DeFi ah iyo suuqyo tokenized ah ayaa ka faa’iidaysan kara habkan si ay u otomaatig gareeyaan heshiisyada iyo bixinta adeegyada.
  • Khataraha iyo walaacyada: Amniga smart-contract-ka, su’aalaha ku saabsan sida loo xaqiijinayo natiijooyinka AI (reliability), iyo xeer-dejinta ku saabsan is-falka AI iyo lacagta ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn.

Khubarada tiknoolajiyadda iyo horumariyeyaashu waxay tilmaamayaan in ERC-8183 uu noqon karo talaabo muhiim ah haddii uu noqdo mid si ballaaran loo qaato—laakiin guusha waa ku xirnaan doontaa tayada verification mechanisms-ka, audits amni, iyo qaababka sharci dejineed ee suurtogelinaya isticmaalka nidaamyadan.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *