Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 17-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $120.29 billion.

Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%

Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso

Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 45% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $74,016.15.

Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,320.07.

Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $674.68.

Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $95.68.

Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.55.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump oo raba inuu xoog ku furo Marinka Hurmuz oo ay Iiraan xidhay ayaa la kulmaya mushkilad ah ururinta xulafo la gasha dadaalka lagu furayo Marinka.

Dawladaha USACanada iyo UK ayaa sameeyay iskaashi si loo xakameeyo dhaca Kiribto.

Dalka Vietnam ayaa qorsheynaya inuu bilaabo suuqii is-weydaarsiysi ee ugu horreeyay ee si rasmi ah loo shatiyeeyay horaanta bishan, iyadoo dowladdu isku dayayso inay xakameyso ka ganacsiga Kiribto ee caalamiga ah, sida ay sheegtay wakaaladda Reuters.

3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Metaplanet ayaa 4,986 $BTC u wareejisay boorso cusub kadib 3 bilood oo ay wax dhaqdhaqaaq ah samayn.

Macaamiisha BlackRock ayaa iibsaday Bitcoin u dhiganta $139.05M.

4. AI iyo Web 3.0

Shirkadda NVIDIA ayaa ku shaacisay iskaashi ay la sameysay Uber si loo geeyo gaadiid robo-taxi ah oo diyaar u ah is-wadis isaga oo u kala gooshaya magaalooyin badan, iyada oo loo marayo shabakadda Uber.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa sida tiknoolajiyada AI iyo gawaadhida is-wada (autonomous vehicles) ay si degdeg ah ugu soo galayaan adeegyada gaadiidka caadiga ah, taas oo beddeli karta mustaqbalka safarka iyo shaqooyinka la xidhiidha.

5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda MasterCard ayaa lagu wadaa inay iibsato shirkadda BVNK oo ah mid ka shaqaysa kaabayaasha stablecoins-ka, iyada oo ku iibsanaysa $1.8B.

Micheal Saylor ayaa sheegay in shirkaddiisa Strategy ay samaysay 16,622 $BTC oo faa’ido ah, taas oo dhan $1.2B

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *