Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 18-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.44 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $103.08 billion.
Fear iyo Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayay inuu noqodaye 34% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u hubti la’aan ah.
In ka badan $298.58M baa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee ugu danbeeyay, iyadoo $222.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa

2. Tilmaamaha cusub ee sharciga
Hay’adaha xeer-dejinta ee Maraykanka ayaa maanta soo saaray tilmaamo cusub oo cadeynaayo sida qeeb ka mid ah crypto-assets loo kala saari karo (securities vs commodities). Tilmaamahan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo xallin karta hubanti la’aanta sharci ee ka jirtay crypto-ga, isla markaana furi karta waddooyin cusub oo maalgashi hay’adeed ah. Saameynta ayaa si gaar ah u taaban karta tokens-yada lagu muransan yahay inay yihiin “securities“.
3. Dhaqdhaqaaqyada shirkadaha iyo Hay’adaha Maaliyadeed
Shirkadaha waaweyn iyo bangiyada ayaa dib u eegis ku sameynaya qorshahooda maalgashi iyo jadwalkooda suuqa. Tusaale ahaan, qaar ka mid ah shirkadaha sarrifka crypto iyo hay’adaha maaliyadeed ayaa muujiyay inay dib u dhigayaan ama ka fiirsanayaan qorshayaashooda IPO-ga iyo saadaasha qiimaha, sababo la xiriira xaaladda sharciyeed iyo isbeddellada dhaqaale (macro). Arrimahan ayaa hoos u dhigay kalsoonida maalgashadayaasha muddada-gaaban.
4. Heerka Bitcoin iyo Dhaqdhaqaaqa Suuqa
Bitcoin maanta wuxuu ku wareegayaa inta u dhaxaysa $74,000 ilaa $71,000, iyadoo aan weli la helin jihada uu si cad u qaadanayo. Kororka yar ee la arkay waxaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada derivatives-ka, gaar ahaan short liquidations oo sababay in qiimuhu si degdeg ah kor ugu boodboodo. Si kastaba ha ahaatee, suuqa weli waa mid aad ugu nugul wararka la xiriira siyaasadda lacagta iyo xeerarka cusub ee soo baxaya.
5. Cabirrada Suuqa (Market Indices)
- Bitcoin Dominance:
Bitcoin ayaa wali gacanta ku haysa saamiga ugu weyn ee suuqa, iyadoo ku dhow 56% ilaa 59%, taasoo muujinaysa in lacagta ugu badan ay weli ku jirto BTC. - Altcoin Season Index:
Heerkan wuxuu muujinayaa xaalad dhexdhexaad ah, taasoo ka dhigan in altcoins aysan weli si guud uga xoog badnaan Bitcoin altseason buuxa wali ma bilaaban. - Fear & Greed Index:
Dareenka maalgashadayaasha wuxuu u janjeeraa dhinaca taxaddarka, mana jiro xamaasad badan (euphoria) sida lagu arki jiray xilliyadii suuqa aadka u kululaa.
6. Saameynta iyo Aragtiyada Falanqeeyayaasha
Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in sanadkan 2026 uu noqon karo mid ay ka dhacaan isbeddelo waaweyn ha noqoto koror xooggan (rally) ama hoos u dhac culus. Arrimaha ugu waaweyn ee saameynaya waxaa ka mid ah xeerarka cusub, siyaasadda lacagta, iyo xaaladaha caalamiga ah.
Sidaa darteed, maalgashadeyaasha waxaa lagu la talinayaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan maaraynta khatarta, isla markaana si dhow ula socdaan wararka muhiimka ah ee saameyn kara suuqa.
7. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Xogtii ugu dambeysay ee manta waxay muujisay in ETF-yada crypto ay heleen maalgashi cusub
BTC: $199.37M
ETH: $138.25M
SOL: $17.81M
XRP: $4.64M
8. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Maanta saacadda 9:00 fiidnimo (xilliga Bariga Afrika), Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Fed) wuxuu go’aamiyay inuu ribada ku hayo heerka 3.50% – 3.75%, isagoo weli muujinaya taxaddar la xiriira hoos u dhaca sicir-bararka iyo xaaladda dhaqaale ee aan si buuxda u degganayn. Go’aankan ayaa si toos ah u saameeyay dhaqdhaqaaqa suuqa crypto.
Dhanka kale, guddi ka tirsan baarlamaanka UK ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo deeqaha crypto ee la siiyo xisbiyada siyaasadeed, ilaa laga hirgelinayo xeerar adag oo ka hortagaya lacagaha sharci darrada ah.
Sidoo kale, deynta guud ee dowladda Maraykanka ayaa gaartay $38.99 trillion, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee U.S. Treasury, taasoo muujinaysa culays dhaqaale oo sii kordhaya.