Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 23-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.43 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $116.52 billion.

Bitcoin ayaa maanta weli hoggaaminaya suuqa crypto, iyadoo Bitcoin dominance-ku uu ku wareegayo 58.5% ilaa 58.6% marka la eego xogta live-ka ee maanta, taasi waxay ka dhigan tahay in qaybta ugu weyn ee lacagta suuqa weli ku urursan tahay BTC.

Dhanka Altcoin Season Index, sawirku weli si cad uguma janjeero altcoins-ka. BlockchainCenter waxay maanta muujisay 51, halka warbixino kale oo suuqa laga soo qaaday ay CMC-ku saleysan ku dhigayaan 49 ilaa 52, taas waxa ay tilmaamaysaa in suuqa weli ku jiro Bitcoin Season, inkastoo altcoins ay muujiyaan soo kabasho tartiib ah.

Dhinaca dareenka maalgashadayaasha, Fear and Greed Index-ku weli waa mid is khilaafsan marka la eego ilaha kala duwan: Alternative.me waxay hadda ku qortay 8, taas oo ah Extreme Fear, halka CoinMarketCap ay si rasmi ah u soo bandhigtay 33(Neutral). Taasi waxay muujinaysaa in suuqa weli ku jiro xaaladd taxaddar badan leeyahay, balse ay jiraan akhrinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda dareenka guud.

Marka xogtan la isku geeyo, sawirka maanta ee suuqa crypto waa mid muujinaya Bitcoin oo weli xoogga ugu badan leh, Altcoins oo si tartiib ah u soo hagaagaya, iyo maalgashadayaal weli feejigan. Tani waxay ka dhigan tahay in suuqa aanu weli si buuxda ugu wareegin altcoin season, balse jiho yar oo soo kabasho ah ay jirto.

xigasho:- Coin Marketcap

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu 5 maalmood dib u dhigay duqaymihii loo qorsheeyay kaabayaasha tamarta Iran, kadib markii uu sheegay in wada-hadalladii u dambeeyay ay muujiyeen horumar. Go’aankan ayaa si toos ah u dejiyay jawiga suuqa, iyadoo qiimaha saliiddu hoos u dhacay, dollarkuna daciifay. Dhanka kale, Iiraan ayaa beenisay in ay jiraan wada-hadallo toos ah ama dadban oo rasmi ah oo dhex maray Tehran iyo Washington, taas oo muujinaysa in khilaafka siyaasadeed uu weli taagan yahay. Reuters waxay sidoo kale xaqiijisay in Tether, oo xarunteedu ku taallo El Salvador, ay weli qayb ka tahay wararka waaweyn ee suuqa crypto, iyadoo Paolo Ardoino uu hoggaaminayo shirkadda.

3. Horumarka Cusub ee Ka Socda Suuqa Crypto

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa crypto waxay muujinayaan in horumarka hadda xoogga ugu saarayo uu yahaye tokenization iyo stablecoin infrastructure. SEC ayaa oggolaatay in Nasdaq ay ka ganacsato qaar ka mid ah securities-ka tokenized-ka ah, halka Nasdaq ay sidoo kale la shaqeyneyso Kraken si loo ballaariyo kaabayaasha tokenization-ka, tani waxay muujinaysaa in suuqa Maaliyaded ka uu si dhab ah ugu sii jeedo blockchain.

Dhanka kale Mastercard ayaa ku dhaqaaqay iibsashada BVNK si ay u xoojiso adeegyada lacag-bixinta ee stablecoin-ka, halka Kazakhstan iyo China ay sidoo kale ballaarinayaan tijaabooyinka iyo kaabayaasha hantida dijitaalka ah, taas oo caddeyneysa in horumarka suuqa uusan ku koobnayn BTC oo keliya, balse uu si weyn ugu wareegayo nidaamka lacag-bixinta iyo hantida tokenized-ka ah.

Dhanka Ethereum BitMine Immersion Technologies ayaa weli ku jirta dadaalo ay ku doonayso inay ku gaarto 5% supply-ka ETH. Warbixinno dhowaan la shaaciyey waxay muujinayaan in ay mar hore ka gudubtay 3.8% ee guud ahaan ETH-ga, taasoo sare u qaadaysa xiisaha maalgashiga ee treasury-yada ku saleysan Ethereum.

Xagga dareenka suuqa Peter Schiff ayaa mar kale isbarbardhigay hoos-u-dhaca dahabka maanta iyo kii 2008, isagoo sheegay in haddii taariikhdu soo noqoto uu qiimuhu gaari karo $11,400 saddex sano gudahood. Si kastaba Reuters waxay maanta xaqiijisay in dahabku ka soo kabanayo hoos-u-dhac weyn, halka silver-na uu kor u kacay 3.3%, kadib dib-u-dhigista qorshihii weerarka Iran.

4. Dhaqdhaqaaqa Whale Investments ee Saameeya Suuqa

Dhaqdhaqaaqa maalgashadayaasha waaweyn ee loo yaqaan whales ayaa si toos ah u saameeyay suuqa crypto. Mid ka mid ah whales-ka Ethereum ayaa $19.5 milyan oo ETH ah ku urursaday toddobaadkan. Dhanka kale whale kale ayaa 5,000 ETH iibiyey, taas oo keentay cadaadis dheeraad ah oo ku yimid qiimaha ETH, iyadoo suuqu wali wajahayo hubanti la’aan iyo iibin xooggan.

5. AI iyo Web 3.0

Wararka waxay muujinayaan in AI iyo Web 3.0 ay labaduba ku jiraan marxalad degdeg ah oo koboc ah. Reuters ayaa sheegtay in shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda la filayo inay 2026-ka ku bixiyaan in ka badan $600 bilyan oo ku saabsan AI, halka OpenAI-na ay sii xoojineyso tartankeeda suuqa ganacsiga iyadoo ay jirto loollan la xiriira Anthropic.

Dhanka Web3 suuqu wuxuu si cad ugu sii jeedaa tokenization iyo kaabayaasha blockchain-ka. SEC ayaa oggolaatay qorshaha Nasdaq ee ganacsiga securities tokenized ah, halka ICE ay iyaduna bilowday inay dhisto madal tokenized securities ah oo on-chain settlement ah. Tani waxay muujinaysaa in Web3 uu si tartiib ah ugu sii dhex milmayo suuqa maaliyadeed ee caadiga ah.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *