Sidee AI u Beddeli Doontaa Shaqooyinka Dunida

Maxad sameyn lahayd haddii sirdoonka macmalka ahi ay shaqadaada qaado?. Su’aashani ayaa hadda laga doodaya warbaahinta caalamiga ah, maadaama tiknoolajiyada AI (sirdoonka macmalka) ay noqotay mowduuc kulul oo shirkadaha iyo hay’adaha dhaqaale ay si weyn diiradda u saarayaan. Daraasad dhowaan la daabacay oo Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ah ayaa sheegtay in in ka badan 85% shirkadaha ay qorsheynayaan inay adeegsadaan tiknoolajiyada cusub ee AI si ay u beddelaan habka shaqada iyo wax soo saarka. Isla markaas, cilmi-baarayaal Mareykan ah ayaa tilmaamay in AI ay saameyn gaar ah ku yeelan doonto shaqooyinka dhaqaalaha sare leh (white‑collar), halka goobaha warshadaha waxa soo saar ka leh ee otomaatiga caadiga ah ay laga yaabo in ay wax yar ka duwan yihiin marka loo eego saameynta AI. AI iyo shaqooyinka cusub ee la filayo inay soo baxaan, fursadaha shaqo abuurka cusub, iyo xirfadaha uu qofku baran karo si uu u waafajiyo isbeddelkan.

AI maxay tahay & sababta ay u caan noqotay

Sirdoonka macmalka (AI) waa farsamooyin kombuyuutar ah oo baraya mashiinnada in ay hawlo caqli leh bartaan iyagoo xog falanqeynaya halkii ay ka raaci lahaayeen amaro hore loo sii qorey. Dhammaadkii 2022, soo bixitaanka aaladaha qoraalka iyo sawirrada abuura (sida ChatGPT) ayaa si weyn u muujiyey awooda AI. Aaladahani waxay si fududeeyeen adeegyo in dad badan toos u arkaan waxa AI awoodi karto, tusaale ahaan malaayiin qof ayaa isticmaalay ChatGPT si uu u qoro qoraallo ama uu su’aalo uga jawaabo luqad dhammeystiran. Teknoolajiyada noocaas ah ee loo yaqaan generative AI ayaa ballaarisay shaqooyinka ay qaban karto AI. Hadda AI-ga waxa uu abuuri karaa maqaalo, muusik, farshaxan iyo waxyaabo kale oo hal-abuur leh oo u dhawa kuwa ay bini’aadamku qaban lahaayen, taasoo ka dhigaysa in shaqooyinkii loo arkayay muhiim ka (sida macallimiinta luuqadda, qareenada, ama fannaaniinta) ay la kulmi karaan tartan cusub oo ay keenayaan aaladaha AI

Shaqooyinka halista ku jira

  • Shaqooyinka xafiisyada iyo xog-ururinta: Shaqooyinka sida kaaliyeyaasha xisaabaadka, shaqaalaha boostada, iyo shaqaalaha gelinta xogta (data entry clerks) ayaa la saadaalinayaa in ay lumiyaan kumannaan ilaa malaayiin shaqooyin ah, sababtoo ah otomaatiga iyo dijitaaleynta shaqooyinka.
  • Shaqooyinka adeegga macaamiisha: Waxaa sii kordhaya isticmaalka chatbots iyo adeegyo kale oo otomaatig ah oo qaban kara wicitaannada caadiga ah iyo su’aalaha fudud, taasoo hoos u dhigi karta baahida loo qabo shaqaale bini’aadam ah oo ka jawaaba codsiyada guud. Daraasado ayaa muujinaya in mustaqbalka dhow qaybo badan oo ka mid ah adeegga macaamiisha la dhimi doono.
  • Shaqooyinka hal-abuurka fudud: Barnaamijyada qoraal-samaynta iyo farshaxanka abuura ayaa hadda qaban kara hawlo hore loo malayn jiray in ay u baahan yihiin maskax hal-abuur leh. Tusaale ahaan, AI waxa ay qoraal ka abuuri kartaa xog, ama sawirro la moodo kuwo bini’aadam sameeyey, taasoo khatar gelinaysa dadka shaqooyinkoodu ku salaysan yihiin hal-abuurka maqaallada fudud, tarjumaadda, ama naqshadaynta sawirrada.
  • Shaqooyinka kale ee caadiga ah: Nidaamyada otomaatiga ah iyo AI-da maanta waxay qaban karaan inta badan hawlaha maalinlaha ah ee kala-soocidda iyo xisaabinta. In kasta oo saxafiyiinta iyo shaqaalaha kaaliyeyaasha ay hore inta badan u haysteen shaqooyin ammaan ah, haddana hadda qaar badan oo ka mid ah shaqooyinkooda waa la beddelayaa. Sida laga soo xigtay daraasad ka timid Dallas Fed, shaqooyinka xirfadleyda heerka sare ah, sida xisaabiyeyaasha sare, ayaa khatar ugu jira, maadaama AI ay si degdeg ah u falanqeyn karto xog maaliyadeed oo ballaaran.

Shaqooyinka cusub ee AI abuurtay

  1. Khubarada Sirdoonka Macmalka iyo Barashada Mashiinka (AI & ML Specialists): Khubarada ku takhasusay sirdoonka macmalka iyo barashada mashiinka ayaa ka mid ah shaqooyinka ugu badan ee si xawli ah u koraya, waxaana looga baahan yahay xirfado heer sare ah.
  2. Khubarada Waara iyo Amniga Internetka (Sustainability & Cybersecurity Specialists): Shaqooyin badan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qaybaha ilaalinta deegaanka iyo amniga internetka, maadaama shirkaduhu ay raadinayaan habab ay kula jaanqaadaan isbeddellada cusub.
  3. Macallimiinta Takhasuska iyo Waxbarashada: Waxbarashada farsamada gacanta iyo tacliinta sare labadaba waxaa lagu baahan yahay si weyn. Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) wuxuu saadaaliyay in shaqooyinka waxbarashadu ay korodhi doonto ilaa saddex milyan oo shaqooyin cusub ah marka la gaaro 2027 ka.
  4. Khubarada Qalabka Beeraha: Beeraha casriga ah ee ku shaqeeya qalabka otomaatiga ah ayaa la filayaa in ay kordhiyaan baahida shaqaalaha, iyadoo lagu qiyaasay in ku dhowaad saddex milyan oo shaqaale cusub loo baahan doono.
  5. Khubarada Dijitaalka (E-commerce & Digital Marketing): Kororka ganacsiga internetka wuxuu abuuri doonaa malaayiin shaqooyin cusub, gaar ahaan kuwa ku takhasusay suuq-geynta dijitaalka, ganacsiga elektaroonigga ah, iyo isticmaalka aaladaha casriga ah ee internetka.
  6. Shaqooyinka Caafimaadka: Baahida loo qabo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa sii kordheysa. McKinsey waxa ay qiyaastay in loo baahan doono 3.5 milyan oo kalkaaliyeyaal dheeraad ah iyo 2 milyan oo xirfadlayaal caafimaad ah marka lsgu eego isbeddellada hadda ka jira.
  7. Waax yaha STEM (Saynis, Teknoolojiyad, Injineernimo, iyo Xisaabta): Inkastoo xilligan qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiyadda ay shaqaale dhimeen, haddana baahida loo qabo xirfadlayaasha STEM weli way sii kordheysaa. Waxaa la saadaaliyay in baahida xirfadlayaasha STEM ay kordhi doonto 23% illaa 2030.

Fursadaha lacag sameynta

Freelance-ka injineernimada AI: Shaqooyinka madax-bannaan ee injineerada AI-da waa kuwo si weyn ugu jira suuqa. Tusaale ahaan, bogagga sida Upwork waxay muujinayaan in injineerada AI ay saacaddii ku heli karaan inta u dhexaysa $35 ilaa $60. Tani waxay caddeynaysaa baahida xooggan ee loo qabo xirfadlayaashan cusub.

Wax-soo-saar dijitaal ah oo AI lagu xoojiyey: Isticmaalka aaladaha generative AI sida ChatGPT iyo barnaamijyada sawirrada AI ayaa qofka ka caawin kara inuu si dhaqso leh u soo saaro nuxur tayo leh. Tusaale ahaan, qorayaasha webseit-dad, suuq-geynayaasha dijitaalka ah, iyo tarjumaanadd ayaa ka faa’iideysan kara AI si ay u qoraan maqaallo, u diyaariyaan shaqadood suuq-geynta ah, ama u turjumaan qoraallo luqado kala duwan, taas oo noqon karta il dakhaale oo cusub.

Koorsooyinka iyo tababarrada AI: Shirkado iyo ururo badan ayaa u baahan shaqaale leh xirfado ku saabsan AI iyo barnaamijinta. Sidaas darteed, bixinta koorsooyin online ah iyo workshops ku saabsan sirdoonka macmalka, barashada mashiinka, iyo falanqaynta xogta waxay noqon kartaa ganacsi dakhli fiican soo saara.

Horumarinta adeegyada AI: Waxaa jira fursado ganacsi oo la xiriira horumarinta aaladaha AI, sida chatbots, iyo xala ka caafimaadka ah ee AI-da, ama barnaamijyo fududeeyo hawlaha ganacsiga. Soomaalida xirfadlayaasha ah ee ku takhasustay kombiyuutarka iyo barnaamijinta waxay abuuri karaan adeegyo ama apps ku saleysan AI oo looga baahan yahay suuqa caalamka.

Mustaqbalka

Dadka falanqeeya shaqooyinka mustaqbalka waxa ay ku kala aragti duwan yihiin heerka uu sirdoonka macmalka ahi saameyn ku yeelan doono suuqa shaqada. Warbixin ka soo baxday Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) sannadkii 2023 kii ayaa saadaalisay in shantii sano ee soo socota ay lumi karaan ilaa 14 milyan oo shaqooyin ah, taas oo u dhiganta ku dhowaad 2% shaqooyinka hadda jira. Si kastaba ha ahaatee, McKinsey waxay ka digtay in daraasaddeeda ku saabsan saamaynta sirdoonka macmalka abuuraya (generative AI) aysan muujinayn in shaqooyinkaas gebi ahaanba la baabi’in doono. Taariikhdu waxay marar badan muujisay in tiknoolajiyadu marka hore ay shaqooyin carqaladeyso, balse ay ugu dambayn keento koritaan dhaqaale iyo shaqooyin cusub.

Waxaa la filayaa in qaar ka mid ah warshadaha, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo tiknoolajiyadda heerka sare ah, ay sii ballaarin doonaan shaqooyinka. Tusaale ahaan, McKinsey waxay sheegtay in qaybta caafimaadku ay abuuri karto malaayiin shaqooyin cusub. Dhanka kale, WEF iyo McKinsey labaduba waxay saadaaliyeen in shaqooyinka adeegga macaamiisha, xafiisyada, iyo warshadaha cuntada ay ka mid noqon doonaan kuwa ugu badan ee hoos u dhacan la kulmi kara. WEF waxay sidoo kale xustay in 75% shirkadaha ay filayaan in AI ay kordhin doonto shaqooyinka, iyadoo 50% shirkaduhu rumeysan yihiin in AI-da ay abuuri doonto fursado cusub, halka 25% ay ka cabsi qabaan in ay shaqooyin lumi doonaan. Intaas waxaa sii dheer, Xafiiska Tirakoobka Shaqada ee Mareykanka (BLS) wuxuu sheegay in, inkasta oo warbaahinta laga hadal hayo in AI ay shaqooyin beddeli karto, taariikhdu ay muujinayso in saameynta tiknoolajiyada cusubi ay waqti qaadato ka hor inta aan si buuxda loo arkin, isla markaana shaqooyin badan ay weli sii kobcayaan xitaa ka dib markii ay soo baxaan tiknoolajiyado cusub.

Gunaanad

Guud ahaan sirdoonka macmalka ahi wuxuu leeyahay laba dhinac. Dhinac wuxuu abuurayaa fursado shaqo oo cusub iyo wax-soo-saar badan, dhinaca kalena wuxuu khatar gelin karaa shaqooyin qaarkood. Qaybaha sida warshadaha iyo adeegga macaamiisha ayaa la filayaa in ay lumiyaan shaqooyin badan, halka qaybaha sida caafimaadka, waxbarashada, iyo tiknoolajiyadda ay abuuri doonaan shaqooyin cusub.

Xirfadaha ugu muhiimsan ee lagu baahi badan yahay in la horumariyo waxaa ka mid ah falanqaynta xogta, hal-abuurka, la-qabsiga isbeddellada, iyo barashada joogtada ah, maadaama shirkaduhu ay aad u qiimeeyaan dadka awoodda u leh in ay la jaanqaadaan xaaladaha cusub. Waxa kale oo muhiim ah in shaqaaluhu bartaan xirfadaha la xiriira AI-da, sida barnaamiji ku sameenta Ai-da, falanqaynta xogta, iyo farsamooyinka sirdoonka macmalka ah, si ay u ilaashadaan boosaskooda shaqo ee mustaqbalka. Dowladaha iyo shirkaduhuba waa in ay xoogga saaraan barnaamijyada dib-u-tababarka iyo fursadaha waxbarasho, maadaama WEF ay xustay in 6 ka mid ah 10 shaqaale ay u baahan doonaan tababar cusub ilaa 2027, balse aysan weli badankoodu helin fursad ku filan oo ay ku tababartaan.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in la ballaariyo isticmaalka internetka iyo fursadaha waxbarasho, isla markaana la fududeeyo shuruudaha laysanka xirfadaha, si loo helo bulsho shaqo oo leh xirfadaha casriga ah ee ay tiknoolajiyadani u baahan tahay. Ugu dambeyntii, fahamka isbeddellada shaqooyinka iyo helidda tababarrada ku habboon waa arrin muhiim u ah qof kasta oo doonaya in uu ka faa’iideysto suuqa shaqada ee isbedelaya 2026 iyo wixii ka dambeeya.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *