Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 26-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.38 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $85.93 billion.

Xaaladda guud ee suuqa maanta waa mid u muuqata “risk-off” yar, laakiin aan burbur ahayn. Bitcoin weli wuxuu ku wareegayaa agagaarka $70,000, taasoo muujinaysa in suuqu aanu ka bixin xadka muhiimka ah, balse aysan jirin kalsooni buuxda oo kor u qaadeysa. Ethereum ka waxa ka socda cadaadis la mid ah, iyadoo dhaq-dhaqaaqa suuqa lagu fasiri karo in maalgashadayaashu sugayaan caddayn cusub oo ka timaadda siyaasadda iyo qulqulka lacagaha hay’adaha.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Wararka ugu hadal hayanta badan ee siyaasadda crypto maanta waa 401(k) iyo stablecoin rewards. White House ayaa hore u saxiixday amar lagu ballaarinayo helitaanka alternative assets ee 401(k), oo ay ku jiraan digital assets, halka DOL ay weli ka shaqeyneyso caddeynta xeerarka iyo waajibaadka fiduciary-ga. Taas waxaa maanta sii kiciyey wararka sheegaya in Coinbase ay diidday hadalo Senate-ka ka yimid oo xannibi lahaa rewards-ka stablecoin balances, isla markaana ay dooddu weli dhex taallo bankiyada, sharci-dejiyeyaasha, iyo White House.

Maxkamad Texas ah ayaa tuurtay dacwad ku saabsan crypto software liability, iyadoo garsooruhu sheegay in aan la muujin edeen dacwadc cadeeyan oo degdeg ah oo ku xiran software-ka. Tani waxay muhiim u tahay developers-ka non-custodial-ka ah, maadaama ay xoojin karto doodda ah in software-abuurayaasha aan si toos ah loogu qaadin dambiyada isticmaalayaasha.

3. Horumarka Cusub ee Ka Socda Suuqa Crypto

Horumarka maanta ka muuqda suuqa ma aha oo keliya qiimaha, waa in crypto uu si tartiib ah ugu gudbayo adeegyo nolol-maalinle ah. Reuters waxay sheegtay in Coinbase ay token-backed down payments u keenayso suuqa guryaha, taas oo ah tallaabo Web3 ah oo isku xirta crypto iyo hantida dhabta ah. Dhanka kale, NYSE iyo Securitize waxay bilaabeen iskaashi ay ku dhisayaan madal tokenized securities ah, halka SEC ay hore u oggolaatay qorshe Nasdaq ah oo ku saabsan ganacsiga iyo settlement-ka tokenized stocks.

Tani waxay tilmaamaysaa in crypto uu ka sii baxayo sawirka “speculation kaliya” oo uu u socdo nidaamyo cusub oo lacag-bixin, hanti dijitaal ah, iyo settlement degdeg ah. Marka suuqyada waaweyn ee Wall Street ay galaan tokenization, wararka crypto ma ahan oo keliya coins, waxay noqdaan qayb ka mid ah qaab-dhismeedka maaliyadeed ee cusub.

4. Dhaqdhaqaaqa Whale Investments ee Saameeya Suuqa

Whales-ku maanta waxay muujiyeen laba wajibaad oo kala duwan. Dhinaca memecoin-ka, MemeCore ayaa kor u kacday ku dhowaad 40%, iyadoo leverage iyo whale flows ay ku riixeen qiimaha iyo market cap-ka ka sarreeya $3 bilyan. Crypto.news ayaa sidoo kale sheegtay in futures volume uu si weyn uga sarreeyo spot volume, taasoo muujinaysa in dhaq-dhaqaaqa sare uu yahay mid leverage-ku kaxeeyo.

Laakiin dhinaca Bitcoin, muuqaalka whale activity wuxuu yahay mid ka taxaddar badan. Crypto.news waxay sheegtay in transfers-ka ka badan $100,000 ay hoos ugu dhaceen heerarkii ugu hooseeyay tan iyo Sebtembar 2023, halka transfers-ka ka badan $1 million ay gaareen heerarkii ugu hooseeyay tan iyo Oktoobar 2024. Isla waqtigaas, Mochi Finance founder Azeem Ahmed ayaa iibiyey qiyaastii 550,285 CVX, taasoo token-ka ku riday hoos u dhac ka badan 10% kuna sii hurisay eedeymo fraud oo DeFi ah.

5. AI iyo Web 3.0

Qaybta AI iyo Web3, wararka ugu cad-cad maanta waa X iyo AI tokens. X (Twitter hore) waxay shaqaaleysiisay Benji Taylor oo leh khibrad crypto, DeFi, iyo consumer apps, iyadoo shirkaddu u sii dhawaaneyso rollout-ka X Money. Tani waxay muujinaysaa isku-darka social media, payments, xAI, iyo crypto design, taas oo ka dhigaysa X mid ku socda jihada “everything app.

Dhanka suuqa AI tokens, FET ayaa kor u kacday iyadoo AI token rotation iyo ASI roadmap ay keeneen dalab cusub. Crypto.news waxay qortay in FET uu ku wareegayo $0.23–$0.25, isla markaana ay jiraan fikrado ku saabsan ASI merger, AI agents, iyo ASI:Chain oo ah blockchain loogu talagalay AI workloads. Sidoo kale, maqaal opinion ah oo ku saabsan Bitcoin gas issue ayaa soo jeedinaya in BTC uu noqon karo gas asset iyada oo aan fork la sameyn, taas oo muujinaysa in Web3 innovation-ku u sii jeedo layers cusub halkii uu ka ahaan lahaa hal chain oo keliya.

6. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Hay’adaha waaweyn ma ay joojinayaan dhismaha crypto rails. Morgan Stanley ayaa hore u gudbisay codsi ETFs ah oo ku saabsan Bitcoin iyo Solana, taas oo ahayd tallaabo weyn oo ay sameeyeen bangiyada waaweyn ee USA. Reuters waxay kaloo sheegtay in bankiga iyo macaamiishiisu ay si tartiib ah ugu sii wareegayaan crypto exposure iyada oo loo marayo ETF-yada iyo portfolio allocations.

Dhanka infrastructure-ka, NYSE iyo Securitize waxay muujiyeen in tokenization ay noqoneyso qayb ka mid ah mustaqbalka capital markets, halka Citi ay sheegtay in stablecoin trends iyo tokenization ay kordhin karaan xiisaha ETH xitaa marka sharci-dejintu hakato. Taasi waxay caddeyneysaa in maalgashiga hay’adaha uusan ku koobnayn “buying coins,” balse uu hadda yahay dhisidda nidaamyo, products, iyo trading rails cusub.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *