Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 27-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $106.31 billion.

Maanta suuqu waa mid cadaadis ku jira. Bitcoin ayaa hoos ugu dhacay $66,207, halka Ethereum uu gaaray qiyaastii $1,992.78. Crypto.news waxay sidoo kale sheegtay in Bitcoin uu galay 3-toddobaadkii ugu hooseeyay, isla markaana uu hoos uga dhacay $66k xilli David Sacks oo ahaa “crypto czar”-kii Trump uu ka degayo doorkiisii. Isbeddelkan ayaa suuqa ku kordhiyay welwel ku saabsan jihada siyaasadda crypto ee Aqalka Cad.

Dhinaca kale, crypto market-ka guud wuxuu sii watay hoos-u-dhac sabab la xiriirta xiisadda Iran iyo khatarta Hormuz, taasoo keentay in maal-gashadayaal badan ay u wareegaan assets ammaan ah sida dahabka, halka equities iyo crypto-related stocks ay iyaguna cadaadis galeen. Crypto.news waxay sheegtay in suuqu uu sii lumiyay xooggiisa kadib markii rajadii nabadda ee U.S. iyo Iran ay sii daciiftay.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Mid ka mid ah wararka ugu waaweyn maanta waa David Sacks oo ka baxay doorkiisii crypto ee maamulka Trump. Crypto.news waxay sheegtay in bixitaankiisu uusan ka dhignayn in White House si buuxda uga jeesatay crypto, balse uu abuuray su’aalo cusub oo ku saabsan sida isku-duubnida siyaasadda digital assets ay u sii ahaan doonto. Waxaa la sheegay in Sacks uu u wareegayo door ballaaran oo ku saabsan science and technology strategy, halkii uu ka ahaan lahaa qofka maalinlaha ah ka shaqeeya crypto rules.

Sidoo kale, wararka siyaasadda ee maanta waxay sii xoojinayaan in stablecoins iyo retirement funds ay weli yihiin meelaha ugu kulul. Hore ayaa loo sheegay in White House ay u furaysay waddo crypto ku gasho 401(k), halka Coinbase ay weli la dagaallamayso qorsheyaal lagu xaddidayo stablecoin rewards. Tani waxay muujinaysaa in dagaalka siyaasadda crypto uusan ku koobnayn qiimaha, balse uu ku saabsan yahay cidda xukunta access-ka iyo yields-ka.

3. Horumarka Cusub ee Ka Socda Suuqa Crypto

Wararka cusub ee horumarka suuqa waxaa ka mid ah Strategy Stretch shares oo si weyn u soo jiitay retail investors. Strategy waxay sheegtay in ku dhowaad 80% dadka haysta Stretch shares ay yihiin maal-gashadayaal shakhsi ah, iyagoo raadinaya Bitcoin linked exposure oo leh volatility ka hooseeya kanaalin dakhli joogto ah. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in ay ka soo ururisay in ka badan $1 billion si ay u sii waddo iibsiga Bitcoin.

Dhinaca kale, Tether iyo GameStop waxay muujiyeen in crypto uu si tartiib ah ugu sii xiranyahay adeegyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ganacsi oo waaweyn. Tether ayaa ku jirta jidkii audit-keedii ugu horreeyay ee buuxa, halka GameStop ay sheegtay in Bitcoin-kii ay haysatay uusan lumin, balse uu ku jiro qaab heshiis lacag-dhis ah oo Coinbase la xiriira. Taasi waxay tusinaysaa in crypto uusan ahayn oo keliya trading, balse uu noqday qayb ka mid ah financial engineering.

4. Dhaqdhaqaaqa Whale Investments ee Saameeya Suuqa

Whales-ku maanta waxay muujiyeen labada dhinac ee suuqa, iibsasho iyo cadaadis. Crypto.news waxay sheegtay in Bitcoin whales ay ku dareen 61,568 BTC xilli qiimuhu mar kale hoos u sii dhacay. Tani waxay muujinaysaa in lacagta waaweyn aysan ka baxayn suuqa, balse ay qiimayaasha hoose u arkaan fursad ururin.

Laakiin dhinaca altcoins-ka, whales iyo leverage-ku waxay sababeen dhacdooyin xanuun leh. WhiteWhale ayaa ku dhacay ku dhowaad 50% kadib markii founder-kii uu ka baxay mashruuca, isagoo sheegay inuu la tacaalayo cadaadis qoys iyo dalabyo lagu riixayay in token-ka la “pump-gareeyo.” Taas waxaa sii xoojiyay lock-up tokens ah oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii $13 million.

Sidoo kale, MemeCore iyo meme-coin sector-ka ayaa weli ah meel uu dhaq-dhaqaaq degdeg ahi ka dhaco marka leverage iyo whale flows ay isku biiraan. Wararkii hore ee maanta waxay muujinayeen in memecoin comeback-ku uu ka dhashay iibsasho xooggan iyo futures volume sare. Taasi waxay xasuusinaysaa in memecoins ay yihiin meel si fudud ugu kici karta, laakiin sidoo kale si degdeg ah u burburi karta.

5. AI iyo Web 3.0

AI iyo Web3 waxay maanta u muuqdaan inay sii wadaan isku-darka. Mid ka mid ah wararka ugu hadal-haynta badan waa Elon Musk’s X oo crypto designer Benji Taylor u soo xushay ka shaqeynta X Money, taasoo muujinaysa in platform-ka X uu sii gelayo payments iyo wallet infrastructure. Magacaabistan waxay si toos ah ula xiriirtaa isku-xirka social media, payments, crypto, iyo AI-driven product design.

Dhanka hal-abuurka teknoolojiyadda, maqaal opinion ah oo maanta socda ayaa ku doodaya in Bitcoin gas issue lagu xallin karo without a fork, iyadoo execution-ka loo wareejinayo VM halka fee pricing-ku ku sii shaqeynayo Bitcoin’s existing fee market. Fikraddan waxay muujinaysaa in Web3 innovation-ku u gudbayo heerar cusub oo ka baxsan “token speculation” kaliya, una sii dhowaanayo infrastructure dhab ah.

6. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Hay’adaha waaweyn ayaa weli ka muuqda suuqa, inkastoo qiimuhu hoos u dhacay. Crypto.news waxay sheegtay in Bitcoin spot ETFs ay arkeen outflows, laakiin sidoo kale ay weli jiraan flows iyo xiise hay’adeed oo sii socda. Tani waxay muujinaysaa in maalgashiga hay’adaha aanu si fudud u damin xilli suuqu cadaadis ku jiro.

Dhanka kale, Strategy Stretch shares ayaa noqday qalab ay retail investors ku raadiyaan Bitcoin yield, taasoo ah calaamad muujinaysa in maal-gashadayaashu ay hadda raadinayaan laba shay, exposure Bitcoin ah iyo dakhli la saadaalin karo. Waxaa taas sii xoojinaya in Strategy ay sii waddo iibka Bitcoin iyadoo adeegsanaysa qalab maaliyadeed oo cusub.

7. Qodobada Kale ee Maanta aadka loo Hadal-hayo

Backpack CEO Armani Ferrante ayaa diiday eedeymo sheegaya in OTC cash-outs ay jireen, inkastoo uu qirtay in ay jireen khaladaad la xiriira “witch hunts” iyo Sybil bans. Arrintani waxay dib u soo celisay doodda ku saabsan fairness, transparency, iyo sida token launches loo maareeyo.

Sidoo kale Bitget CEO Gracy Chen waxay sheegtay in $1 trillion oo laga tiray suuqa stocks-ka Maraykanka ay dedejisay macro reset, ayna Bitcoin u bilowday in loo arko “neutral allocation” halkii laga oran lahaa risk punt kaliya. Chen waxay kaloo sheegtay in leverage-ka crypto uu hoos u dhacay, taasoo ka dhigtay Bitcoin mid ka adkeysi badan sidii hore

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *