Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 04-ka April 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.32 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $44.39 billion.

Suuqa maanta waa mid laba weji leh oo kala ah dhinac waxaa jira taxaddar ka dhashay xiisadda Iran iyo hanjabaadaha cusub ee Trump, dhinaca kalena Bitcoin wuxuu weli haystaa maaligalin. Coinglass liquidation map wuxuu muujinayaa $65,000 inuu yahay support muhiim ah, halka $68,000 uu yahay squeeze zone, taas oo ka dhigan in dhaqdhaqaaq yar oo qiime ah uu dhalin karo forced flows waaweyn. Reuters waxay kaloo sheegtay in Trump uu sii adkeeyay hadalladiisa ku saabsan Iran, taas oo sii kordhisay cadaadiska risk-off, xilli oil-ku uu weli sare u taagan yahay.

Dhinaca dhaqdhaqaaqa guud ee dhaqaalaha, March jobs report-ka Maraykanka wuxuu keenay 178,000 jobs iyo unemployment 4.3%, taas oo Fed-ka ku riixaysa inuu sii taxaddaro, halka suuqyada maaliyaddu ay ka welwelsan yihiin saameynta dagaalka Iran ee inflation-ka iyo qiimaha tamarta. Taasi waxay si toos ah u saameysaa crypto, maadaama Bitcoin hadda uu si isa soo taraya ugu dhaqmo sida asset la eegayo marka xaaladdu qasan tahay, balse aan weli si buuxda u bixin calm-uptrend cad.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Mawduuca ugu xiisah leh ee siyaasadda maanta waa GENIUS Act iyo CLARITY Act. U.S. Treasury waxay furtay la-talin dadweyne oo ku saabsan xeerarka stablecoin-ka ee GENIUS Act, halka CLARITY Act ay industry review ku jirto, gaar ahaan qaybaha la xiriira stablecoin yield compromise language. Tani waxay muujinaysaa in Maraykanku uu hadda si dhab ah u qaabaynayo nidaamka stablecoins iyo market structure-ka crypto.

Isla waqtigaas, CFTC iyo DOJ waxay galeen dagaal sharci oo cusub oo ku saabsan prediction markets, iyagoo dacwad ka gudbiyay Arizona, Connecticut, iyo Illinois si ay u difaacaan jurisdiction-kooda. Arrintan ayaa si toos ah ula xiriirta Kalshi iyo Polymarket, kuwaas oo gobollo badani ku eedeeyeen gambling sharci-darro ah. Polymarket lafteedu maanta waxay ka saartay market-kii la xiriiray missing pilot story ka dib backlash xooggan, taas oo muujinaysa in event-contract markets ay hadda wajahayaan cadaadis sharci iyo mid sumcad labadaba.

Dhinaca kale, dowladda iyo hay’adaha amniga waxay sii kordhiyeen feejignaanta ku saabsan crypto-linked risk. Wararka maanta waxay sidoo kale muujinayaan in Maraykanka uu ku jiro xilli defense spending aad loo ballaariyay, iyadoo Trump uu codsaday $1.5 trillion oo ah Pentagon budget FY2027, taas oo noqotay mid ka mid ah defense requests-yadii ugu waaweynaa taariikhda. Xaaladdaas ayaa sii adkaynaysa jawiga macro, isla markaana kor u qaadaysa dareenka taxaddarka ee suuqyada.

3. Horumarka Cusub ee Ka Socda Suuqa Crypto

Wararka cusub ee maanta ugu muuqda waxaa ka mid ah Circle oo wajahaysa cadaadis xooggan kadib markii ZachXBT uu ku eedeeyay inay ka gaabisay in ay freeze-gareyso USDC la xaday intii lagu jiray $285 million Drift hack. Eedeyntaasi waxay dib u soo celisay doodda ku saabsan halka stablecoin issuers ay ka bilaabaan iyo halka ay ka dhammaadaan freeze powers-koodu marka lacagaha la xado.

Dhanka amniga iyo hab-dhismeedka cusub, Naoris waxay billowday mainnet-keedii ugu horreeyay ee quantum-resistant ah, iyadoo la sheegay inuu ku dhisan yahay post-quantum cryptography oo NIST-approved ah. Tani waa horumar muhiim ah oo ku wajahan mustaqbalka amniga blockchain-ka, gaar ahaan xilli warshaddu ay ka baqayso in quantum computing uu mustaqbalka jebin karo nidaamyada hadda jira.

Waxa kale oo maanta hadal hayn badan noqday HypurrFi, oo users-ka uga digtay in aanay isticmaalin app-keeda ama domain-keeda sababo la xiriira suspected hijack. Isla qaybta product-shakeout-ka, Leap Wallet waxay ku dhawaaqday inay ka baxayso suuqa crypto ilaa May 28, iyadoo wallets-keeda iyo adeeggeeda validator-ka la xidhayo. Tani waxay muujinaysaa in qaar ka mid ah wallets iyo infra projects ay hadda la kulmayaan consolidation xooggan.

4. Dhaqdhaqaaqa Whale Investments ee Saameeya Suuqa

Whale moves-ka maanta waxay muujiyeen in lacagta weyn aysan ka bixin suuqa, balse ay dib isu habeyn ku jirto. Eightco waxay noqotay public company-ga ugu weyn ee haysa Worldcoin (WLD), iyadoo haysata qiyaastii $326 million oo holdings ah. Tani waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah bets-yada ugu waaweyn ee ku salaysan AI, identity, iyo crypto.

Dhinaca miner-yada iyo corporate holders-ka, Riot Platforms waxay Q1 ka iibisay 3,778 BTC si ay u hesho ku dhowaad $289.5 million, iyadoo ay sheegtay in iibkaasi uu qeyb ka yahay treasury management iyo korinta AI/HPC data center expansion. Isla waqtigaas, Coinbase Bitcoin Premium Index wuxuu mar kale noqday positive, taas oo tilmaamaysa in dalabka U.S. gaar ahaan compliant capital iyo ETF desks uu dib u soo kacayo.

Tani waxay la micno tahay in whale behavior-ka maanta uusan ahayn oo keliya “buy and hold”, waa isku-dhaf u dhexeeya ururin, treasury rebalancing, iyo liquidating si loo taageero kaabayaal cusub sida AI data centers. Suuqu sidaas ayuu ku sii noqonayaa mid ka adag sidii hore, maadaama corporate flows-ka iyo retail flows-ku ay mararka qaar jihooyin kala duwan u socdaan.

5. AI iyo Web 3.0

AI iyo Web3 maanta waxay galeen marxalad aad u muuqata. OpenAI waxay iibsatay TBPN, taas oo ay Reuters ku sheegtay inay qayb ka tahay istaraatijiyadda OpenAI ee communications iyo public messaging. Isla markaana Google iyo Microsoft waxay taageereen x402 Foundation si loo standardize-gareeyo AI-driven crypto payments. Tani waxay muujinaysaa in lacag-bixinta AI-agent-ka ah ay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu kulul ee tech-ka.

Google sidoo kale waxay soo saartay Gemma 4, oo ah open model family loogu talagalay reasoning iyo agentic workflows, halka Microsoft ay ku dhawaaqday $10 billion oo ay Japan ku bixinayso AI infrastructure, cyber defense, iyo workforce training. Labadan tallaabo waxay muujinayaan in AI infrastructure iyo digital economy ay hadda u socdaan si isku xidhan, xitaa marka geopolitical risk-ku sareeyo.

Dhinaca Web3, Naoris iyo x402 labaduba waxay muujinayaan laba jihadood oo waaweyn: mid waa amniga mustaqbalka blockchain-ka, midna waa lacag-bixinta smart agents-ka. Taasi waxay ka dhigeysaa 2026 sanad uu AI iyo crypto si dhab ah isu dhex gelayaan, ma aha oo keliya hadal suuqeed.

6. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin waxay Q1 ku dhammaadeen casaan, inkastoo March ay keentay $1.32 billion oo inflows ah. Xogta cusub waxay muujinaysaa in spot Bitcoin ETFs ay weli ku jiraan ku dhowaad $500 million oo net outflows ah quarter-ka, taas oo caddeyn u ah in early redemptions ay ka culus yihiin rebound-kii March. CoinShares-ka crypto funds sidoo kale waxay la kulmeen outflow ka xoog badan, iyadoo maalgelinta hay’aduhu ay weli si aad ah ugu xiran tahay macro iyo geopolitics.

Si kastaba, calaamadaha U.S. demand-ka ma aysan dhammaan. Coinbase Bitcoin premium oo positive noqday ayaa tilmaamaya in compliant capital iyo spot/ETF demand ay dib u soo socdeen, xilli Bitcoin uu ku wareegayo range muhiim ah oo suuqa ka dhigaya mid aan weli go’aan cad lahayn. Tani waxay ka dhigaysaa ETFs mid weli muhiim ah, laakiin aan weli si buuxda u badinayeen culeyska macro-ga.

Institutional adoption-ka waxaa kale oo xoojinaya in companies sida IBM, brokers, iyo fintech-yadu ay sii ballaarinayaan adeegyada dijitaalka ah, halka stablecoin rules-ka GENIUS Act iyo CLARITY Act ay suuqyada ka dhigayaan kuwo u dhow nidaamka maaliyadeed ee caadiga ah. Si kale haddii loo dhigo, hay’aduhu way joogaan, laakiin waxay hadda raadinayaan xeer cad iyo qaab ganacsi oo deggan.

7. Amniga

Amniga maanta wuxuu noqday mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee crypto iyo AI labadaba. X waxay ku dhawaaqday in akoonnada markii ugu horreysa crypto lagu xuso la auto-lock-gareyn doono si loo yareeyo phishing scams, halka DeepMind ay ka digtay lix nooc oo web-based attacks ah oo hijack-gareyn kara AI agents. Labaduba waxay muujinayaan in scam-ka iyo agent manipulation ay noqdeen khataro la taaban karo oo ku wajahan internet-ka cusub.

Dhanka crypto security, OKX Wallet waxaa lagu sameeyay Audit SlowMist ah oo aan ka helin private key leakage, halka Zcash ay si degdeg ah u patch-gareysay bug halis ah oo saameynayey Sprout shielded pool. HypurrFi waxay isla maanta users-ka uga digtay domain hijack, taas oo mar kale xusuusinaysa in front-end attacks iyo domain compromise ay weli yihiin halista ugu fudud ee DeFi.

Amniga iyo enforcement-ku sidoo kale waxay ka muuqdaan la dagaallanka market abuse-ka. DOJ waxay dacwad ku soo oogtay 10 qof oo lagu eedeeyay wash trading iyo manipulation-ka suuqyada crypto, halka Polymarket ay ka saartay market-ka ku saabsanaa missing pilot kadib backlash, taas oo caddeynaysa in industry-gu uu hadda ku jiro xilli ay sumcaddu, anshaxu, iyo compliance-ku si isku mid ah muhiim u yihiin.

Warbixinta maanta waxay caddeyneysaa in crypto uu ku jiro marxalad si qoto dheer u qaan-gaaraysa, balse weli aad u nugul. Bitcoin wuxuu ku xayiran yahay range adag, Iran iyo oil shock-na waxay sii wadaan risk-off pressure-ka, halka regulatory news-yada sida GENIUS Act, CLARITY Act, CFTC lawsuits, iyo prediction markets ay xoojinayaan in Maraykanku uu hadda si rasmi ah u qaabaynayo mustaqbalka digital assets. Isla waqtigaas, AI, Web3, tokenization, institutional flows, iyo security incidents-ka ayaa qabsaday hadalka maanta.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *