Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 01-ka Marso2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1) Xaaladda guud ee suuqa
Suuqu guud ahaan wuu soo noqday oo muujiyey dib u soo noqosho yar kadib hoos u dhacii ku yimid maalmahii la soo dhaafaye, qaar ka mid ah tokens-ka waaweyn ayaa maanta kor u kacay iyadoo traders-ku ay dib isku diyaarinaayan. CoinDesk ayaa soo warisay in Ethereum, Solana iyo XRP ay sameeyeen kor u kac gaarayo ilaa 10% maanta.
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.31 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 98.03 billion

- Bitcoin Dominance: 59.10%.
- Altcoins (Guud): 40.90% iyo Altcoin Season Index ah 23% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah.
- Fear & Greed Index: 36% — muujinaya cabsi/ taxadar maalgashi.
- Stablecoins (maalmihii la kala iibsaday maanta): USDT = $82.10 billion, USDC = $8.483 billion stablecoins waxay hayaan liquidity weyn.
- Qiimaha hadda: Bitcoin (BTC) = $66,1890.21, Ethereum (ETH) = $2,003.89.

2. Sharciyeyaasha UK Stablecoins
Hay’adda nidaamka maaliyadda ee UK, FCA, ayaa dooratay dhowr shirkadood inay ka qaybqaataan sanduuqa tijaabada ee stablecoins, halkaasoo shirkado ay ka mid yihiin Revolut ay ku jiraan qorshayaasha tijaabada ah si loo eego adeegsiga stablecoins ee lacag-bixinta iyo kaabayaasha goobo ganacsi. Tani waa calaamad muujineysa in wadamada waaweyn ay u diyaar garoobayaan nidaam sharci oo xooggan oo ku saabsan stablecoins.
3. Tether iyo xannibaad lacageed
Tether ayaa shaaca ka qaaday inay xannibtay lacag gaareysa $4.2 bilyan oo USDT ah sababo la xiriira falal dambiyo iyo codsiyo hay’ado sharci fulin ah, taasoo soo baxday wax yar kahor taariikhda maanta. Arrintan ayaa dib u eegis ku samaynaysa doorka stablecoins-ka ee nidaamka maaliyadeed iyo sida ay ula shaqeynayaan hay’adaha sharci-dejinta.
4. Xeerarka suuqa (Sharciyada Crypto)
- Dagaalka ka socda bariga dhexe Iran vs Israel vs Mareykanka wuxuu keenay in dowlado badan si gaar ah u eegaan crypto, sababtoo ah waxaa loo arkaa in lagu wareejin karo lacag aan la ogaan karin.
- Waxaa jira cabsi ah in crypto loo isticmaalo in lagu jebiyo cunaqabateynta saran Iran.
- Dowladda Iran waxay si toos ah u isticmaashaa crypto (gaar ahaan stablecoins) si ay uga gudubto xayiraadaha bangiyada caalamiga ah.
- Warbixino cusub waxay sheegayaan in crypto loo adeegsaday maalgelinta kaalmo militari iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira dagaalka, tani waxay keentay in dalal badan ay bilaabaan in ay xoojiyaan sharciyada AML (Anti-Money Laundering) iyo KYC (Know Your Customer).
5. Maxaa la fiirinayaa hadda (qodobbada muhiimka ah)
Xaaladda siyaasadeed iyo juqraafiyeed Haddii xiisadaha siyaasadeed ama colaadaha caalamiga ahi sii kacsadaan, waxay keeni karaan isbeddel degdeg ah oo xooggan (volatility) oo ku yimaada suuqyada crypto iyo kuwa dhaqaalaha guud.
Dhaq-dhaqaaqa ETF flows Lacagaha soo galaya ama ka baxaya Spot Bitcoin ETFs waa tilmaame muhiim ah oo muujinaya kalsoonida maalgashadayaasha waaweyn. Haddii lacag badan soo gasho, waxay taageeri kartaa kor u kaca qiimaha; haddii ay ka baxdo, cadaadis hoos u dhac ayaa iman kara.
On-chain metrics Waxaa la eegayaa xogta blockchain-ka sida inflows iyo outflows ka imanaya exchanges, dhaqdhaqaaqa whales, iyo heerka haynta (holding behavior). Haddii lacag badan lagu shubo exchanges, waxaa suuragal ah cadaadis iib; haddii laga saaro, waxay muujin kartaa in maalgashadayaashu haynayaan (accumulation).