Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 02-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1) Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Qaar ka mid ah tokens-ka waaweyn ayaa maanta sameeyay koror xaddidan, iyadoo Ethereum iyo Solana ay muujiyeen dhaqdhaqaaq togan oo yar, halka kororkoodu ku egyahay heerar hoose oo ka tarjumaya soo kabasho tartiib ah oo suuqa ah, balse aan gaarin boqolley sare sida 7% ama 10%.
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.36 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $126.16 billion.

Bitcoin Dominance: 58.5%
Altcoins (Guud): 41.5% iyo Altcoin Season Index ah 34% altcoins waxay bilaabayaan soo kabasho xoog ah. Fear & Greed Index: 15% muujinaya cabsi / taxadar maalgashi.
Stablecoins (manta lakala iibsaday):
USDT = $ 106.4Bbillion
USDC = $ 16.83B
Stablecoins waxay hayaan liquidity weyn.
Qiimaha hadda:
Bitcoin (BTC) = $68,741.65
Ethereum (ETH) = $2,027.14

2. Suuqa Shidaalka & Tamarta
Qiimaha shidaalka caalamka ayaa si weyn u kacay maanta, iyadoo Brent crude uu ku dhow yahay $80 halkii baareel, mar qura kor u kacay ilaa $82.37. Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ayaa sare u kacay sababtoo ah soo saarista qaar ka mid ah saldhigyada tamarta ee Bariga Dhexe oo hakad galay, gaar ahaan Qatar oo joojisay wax soo saarkeeda LNG-ta sababtoo ah weerarro.
Sicir-bararka shidaalka wuxuu si toos ah u saameyn karaa qiimaha shidaalka ee adduunka oo dhan, taasoo horseedi karta in qiimaha gaaska iyo tamarta guryaha uu sidoo kale kordho.
3. Suuqa Saamiyada & Maalgashiga
Suuqyada saamiyada caalamka ayaa hoos u dhacay, gaar ahaan suuqa UK (FTSE 100) oo maanta la arkay hoos u dhac aad u weyn tan iyo bishii November 2025, iyo sidoo kale suuqa European dabeecaddiisa guud ahaan.
Suuqyada dalalka Carabta (Abu Dhabi Securities Exchange & Dubai Financial Market) ayaa gabi ahaanba xidhmay laba maalmood si looga hortago khasaare ballaaran.
Shirkadaha safarka (airlines, cruises) iyo kuwa dalxiiska ayaa la kulmay hoos u dhac weyn, halka shirkadaha tamarta (oil & gas) iyo difaaca ay kor u kaceen saamiyadooda.
Sababta ayaa ah in maal-gashadayaashu ay ka cabsanayaan kor u kaca qiimaha shidaalka iyo hoos u dhac ku yimaada dalxiiska caalamiga ah.
4. Qiimaha Alaabta Caalamiga & Amniga Lacageed
Gold (dahab) ayaa sare u kacay maadaama maal-gashadayaashu u arkaan hanti “safe-haven” ah xilliyada khatarta.
Dolar-ka Mareykanka ayaa xoog yeeshay marka loo eego lacagaha kale, sababtoo ah maal-gashadayaashu waxay raadinayaan hanti ammaan ah.
Suuqa bond-yada (amaahda dawladda) ayaa sidoo kale hoos u dhacay sababo la xiriira walwalka sicir-bararka haddii shidaalka sii kordho.
5. Saameynta dagaal ee iyo Caalamka
Suuqyada caalamiga ee Asia, Yurub, iyo Mareykanka ayaa muujiyey calaamado hoos u dhac guud, iyadoo maal-gashadayaashu dib u eegayaan khatarta ka dhalan karta colaadda.
Gaadiidka badda ee muhiimka ah (sida marinada shidaalka ee Strait of Hormuz) ayaa hoos u dhacay, taas oo carqaladeyn karta beddelka ganacsiga caalamiga ah.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha suuqa waxay digayaan in haddii colaadda Bariga Dhexe sii dheeraato uu noqon karo mid u horseeda hoos u dhac dhaqaale iyo sicir-barar sare guud ahaan adduunka.
6. Saameynta Teknoolojiyadda (AI, Web3) & Crypto
Bitcoin wax yar ayay hoos u dhacday, laakiin wali waxay ku dhowdahay heerarka muhiimka ah ee taageerada suuqa. Suuqa crypto guud ahaan waa mid kacsan waxaana jira kala wareegyo badan, iyadoo maal-gashadayaashu u wareegayaan hanti “safe-haven” sida stablecoins ama token-yo dahab leh xilli ay sii kordhayaan khataraha siyaasadeed.
7. AI, NFT & Web3
Waraaqaha suuqyada iyo warbixinnada maal-gelinta ayaa muujinaya in dagaallada noocan oo kale ah ay kordhin karaan xiisaha maalgashiga teknoolojiyadda, gaar ahaan: AI, iyadoo shirkadaha kor u kaca loo arko inay leeyihiin awood ay kaga hortagaan suuqyada kacsan.
Web3 & NFT, kuwaas oo sii kordhin kara isticmaalka bulshooyinka dijitaalka ah iyo maalgashi tayo sare leh.
Si kastaba, wararka ma jiraan si faahfaahsan maanta, laakiin saamaynta guud ee teknolojiyadani waxay ka muuqataa dhaqanka maalgashiga ee caalamka.