Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 23-ka Febraayo 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Suuqa guud ahaan wuu hoos u dhacay maanta
Qiimaha Bitcoin wuxuu ku ganacsanayaa meel u dhow $67,500–$64,100, iyadoo volatility-gu uu hoos u dhacay ka dib hoos u dhicii bilowgii Febraayo. Taas micnaheedu waa in suuqa uu hadda ku jiro dhaqdhaqaaq xaddidan.

2. Sababaha hoos u dhaca
Suuqa crypto ayaa maanta si weyn hoos ugu dhacay kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira qorshe cusub oo canshuuro caalami ah oo Mareykanku wado, kaas oo la sheegay inuu gaari karo ilaa 15% badeecooyinka dibadda laga keeno. Qorshahan ayaa sare u qaaday cabsi ku saabsan ganacsiga caalamiga ah iyo kororka khilaafaadka dhaqaale, taas oo si toos ah u saameysay dareenka maal-gashadayaasha.
Marka ay soo baxaan caashuuro adag, suuq crypto waxay u gashaa hab “risk-off”, taas oo ah in dadku ay ka baxaan hantida halista ah sida Bitcoin iyo Altcoins, iyagoo u wareegaya meelaha loo arko ammaan sida Dahabka iyo Bonds. Dhaqdhaqaaqan ayaa sababay iib xooggan oo ku dhacay crypto, Bitcoin-na wuxuu hoos uga dhacay heerarkii uu dhawaan joogay.
3. Ethereum oo Soo Bandhigtay Qorshe Cusub
Ethereum ayaa mar kale noqotay xarunta wararka crypto kadib markii Foundation-keedu shaacisay qorshe cusub oo lagu cusboonaysiinayo shabakadda laba mar sanadkii. Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu dedejiyo horumarka teknoolojiyadda,iyo kordhinta awoodda scalability-ga, isla markaana lagu yareeyo khidmadaha sare ee caqabad ku noqotaye isticmaalayaasha.
Mas’uuliyiinta Ethereum waxay sheegeen in nidaamka cusboonaysiinta ee mar walib ah uu ka dhiganan doono in Ethereum si degdeg ah ula qabsan karta baahida sii kordheysa ee DeFi, NFT-yada, iyo codsiyada kale ee ku dhisan smart contracts. Tani waxay sidoo kale la jaanqaadaysaa tartanka sii xoogeysanaya ee ka imanaya shabakadaha cusub ee layer-1.
4. FOMC Minutes & Suuqa
Christopher Waller, oo ka tirsan guddiga Federal Reserve, ayaa maanta sheegay in bangiga dhexe uusan ku degdegi doonin dhimista dulsaarka ilaa ay si cad u muuqato in inflation-ku si joogto ah hoos ugu socdo. Waller wuxuu xusay in inkasta oo horumar la sameeyay, haddana weli ay jirto halis ah in qiimaha alaabtu mar kale kor u kaco haddii siyaasadda lacagta la fududeeyo si dhaqso ah.
Hadalkan ayaa xoojiyay fariinta ah in dulsaarka “sare uu sii jiri karo muddo dheer,” taas oo si toos ah u saameysay suuqa, oo ay ku jirto crypto. Bitcoin ayaa la kulmay cadaadis kadib hadalkaas, iyadoo traders-ku ay yareeyeen rajadoodii ku aaddaneyd in Fed uu dhowaan bilaabi doono lacag-fududeyn.
5. Total Market Cap
Guud ahan crypto (Total Market Cap) ayaa maanta maraya qiyaastii $2.45 trillion, kadib hoos u dhac ku yimid saacadihii la soo dhaafay. Marka la barbar dhigo shalay, suuqa wuxuu lumiyay ku dhowaad $80 – $100 bilyan, taas oo ka dhalatay cadaadiska iibka ee ka yimid wararka macro-dhaqaale iyo hadallada Fed.
Inkasta oo hoos u dhaca uu ahaa mid muuqda, falanqeeyayaasha qaar ayaa tilmaamaya in Total Market Cap uu weli ka sarreeyo heerarkii muhiimka ah ee uu taaganaa muddado dhexe. Suuqa ayaa hadda sugaya xogta dhaqaale ee soo socota si loo ogaado haddii hoos u dhacu uu sii socon doono ama uu noqon doono sixitaan ku meel gaar ah.

6. ETF Outflows
Xogta ETF-yada Bitcoin ee USA ayaa muujisay qulqul lacageed oo ka baxaya sanduuqyadan toddobaadyadii la soo dhaafay. Inkasta oo ETF-yada markii hore loo arkayay albaab cusub oo lacag weyn ku soo galeysa crypto, haddana bixitaanka joogtada ah ee maal-gashadayaasha ayaa hoos u dhigay dareenka suuqa. Khubaradu waxay sheegayaan in haddii qulqulkaasi sii socdo, ay adkaan karto in Bitcoin si degdeg ah dib ugu gaaro heerarkii ugu sarreeyay.