Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 13-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.45 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $128.09 billion.

Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %58.8 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 41.2%
Altcoin season Index waxa uu sheegayaa in uu yahey 40% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 33% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $108.16 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $108.31 billion.

Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $71,849.93.
Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,128.77.
Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $662.40.
Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $89.48.
Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.409.
2. DeFi (Decentralized Finance)
Wararka maanta waxay muujinayaan in DeFi uu sii kordhayo isticmaalka. Shabakadda Ethereum ayaa diiwaangelisay $263M fees oo ka yimid DeFi apps taasoo muujinaysa in isticmaalka DeFi uu aad u kordhayo 2026.
Dhanka kale dhacdo kale oo maanta dhacday ayaa muujisay khatarta DeFi: trader ayaa isku dayay inuu swap sameeyo $50M USDT, laakiin MEV bots ayaa ka faa’iidaystay slippage, waxaana ugu dambayn helay tokens qiimahoodu ahaa kaliya ~$36K.
3. CeFi (Centralized Finance)
CeFi exchanges wali waa xarunta ugu weyn ee trading-ka crypto. Maanta suuqa crypto wuxuu soo kabanayaa kadib markii Bitcoin dib uga gudbay $71K, taasoo kordhisay kalsoonida investors. Institutional investors ayaa sidoo kale sii kordhaya. Tusaale ahaan Ethereum ETF cusub oo la stake gareeyay ayaa helay $43M inflows maalintii ugu horeysay, taasoo muujinaysa xiisaha hay’adaha waaweyn ee crypto.
4. NFT Market
Suuqa NFT maanta wuu ka yar yahay xilligii boom-ka, gaar ahaan gaming sector. Warbixin cusub ayaa sheegtay in shirka gaming-ka GDC 2026 uusan lahayn wax talks blockchain gaming ah, taasoo muujinaysa hoos u dhac ku yimid hype-kii NFTs gaming. Si kastaba, NFT-yada weli waxaa loo isticmaalayaa:
5. AI iyo Blockchain
AI ayaa noqotay mid ka mid ah trends-ka ugu weyn ee crypto maanta. Mashruuc cusub ayaa isku daraya AI iyo Web3 si loogu maalgeliyo SMEs (small businesses) iyadoo la adeegsanayo blockchain iyo AI analysis si loo kordhiyo transparency-ga maalgashiga.
Waxaa sidoo kale la shaaciyay partnership cusub oo dhisaysa decentralized AI data network, taasoo u oggolaanaysa bulshada inay lahaadaan data iyo compute power.
6. Web3.0
Web3 infrastructure ayaa si degdeg ah u koraya. Shirkad injineernimo oo blockchain ah ayaa maanta sheegtay in baahida Web3 infrastructure iyo DeFi systems ay si weyn u kordhayso, maadaama ganacsiyo badan ay u wareegayaan blockchain.