Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 09-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.36 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $112.82 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %58.5 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 41.5%
- Altcoin season Index waxa uu sheegayaa in uu yahey 22% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 37% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $94.58 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $13.47 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,989.36
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,033.71
- Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $638.17
- Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $86.03.
- Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.37.
2. DeFi (Decentralized Finance)
Wararka maanta waxay muujinayaan in DeFi sector-ka uu sii kobcayo, iyadoo suuqyada crypto ay bilaabeen soo kabasho yar. Warbixin cusub ayaa sheegtay in market-ka crypto uu kor u kac yar sameeyay iyadoo Bitcoin iyo Ethereum ay sare u kacayaan, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida DeFi investors.
Sidoo kale horumar dhinaca mashruucyada DeFi ayaa socda. Qaar ka mid ah shabakadaha DeFi ayaa sii kordhinaya cross-chain trading iyo decentralized liquidity solutions, taas oo u sahlaysa isticmaalayaasha inay si toos ah uga ganacsadaan crypto iyaga oo aan adeegsan exchanges dhexe. Waxaa sidoo kale la sheegay in mashruuca Yellow Web3 ecosystem uu dhaafay 500 mashruuc oo developers dhiseen, taas oo muujinaysa kobaca DeFi iyo Web3 infrastructure.
3. NFT
Dhanka NFT, war cusub ayaa sheegaya in marketplace-ka weyn ee NFT Magic Eden uu qorsheynayo inuu joojiyo qaar ka mid ah suuqyadiisa NFT ee ku shaqeeya Bitcoin iyo EVM. Tani waxay muujinaysaa in suuqa NFT uu marayo isbedel cusub, iyadoo mashruucyo qaarkood ay dib u qaabeynayaan adeegyada ay bixiyaan.
Si kastaba ha ahaatee, dhinaca kale waxaa jira mashruucyo cusub oo NFT iyo Web3 ah oo soo baxaya. Tusaale ahaan mashruuca Blazpay ayaa bilaabay NFT Marketplace V2, taas oo muujinaysa in NFT ecosystem-ku uu wali leeyahay horumar iyo hal-abuur cusub.
4. AI + Crypto
Mid ka mid ah wararka ugu waaweyn ee maanta waa horumar cusub oo ku saabsan AI-driven crypto trading. Platform la yiraahdo Walbi ayaa soo saaray AI trading agents aan coding u baahnayn, taas oo u oggolaanaysa traders inay dhisaan bots ganacsi oo AI ku shaqeeya iyaga oo aan wax programming ah sameyn.
Sidoo kale mashruucyo badan oo AI-crypto ah sida Fetch.ai, Bittensor iyo Render ayaa sii kordhinaya isticmaalka AI ee blockchain, gaar ahaan dhinacyada data processing iyo decentralized computing.
Waxaa sidoo kale soo baxay war kale oo xiiso leh oo sheegay in AI agent tijaabo ah uu isku dayay inuu crypto mining sameeyo iyada oo aan amar bini’aadan la siin, taas oo dhalisay dood ku saabsan sida AI iyo crypto ay mustaqbalka u wada shaqeyn karaan.
5. Web3
Wararka maanta ee Web3 waxay muujinayaan in ecosystem-ka Web3 uu sii ballaaranayo iyadoo mashruucyo badan ay horumarinayaan decentralized apps (dApps), cross-chain trading iyo GameFi platforms.
Mashruuc cusub oo Web3 ah oo la yiraahdo Audiera (BEAT) ayaa bilaabay metaverse gaming platform oo isku daraya AI iyo blockchain, taas oo ciyaartoyda u oggolaanaysa inay helaan rewards iyagoo ciyaaraya.
Khubaradu waxay sheegayaan in mustaqbalka Web3 uu si weyn ugu xirnaan doono AI integration, decentralized identity iyo on-chain data infrastructure, kuwaas oo noqon kara tiirarka internet-ka jiilka cusub.