Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 08-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $66.44 billion.

  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxa uu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $56.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday $5.43 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $67,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,948.89
  • Binance Coin (BNB)– waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $617.14
  • Solana (SOL)– waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $82.19.
  • Rippe (XRP)– waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.

2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • CFTC guddoomiyaha Michael Selig ayaa shaaciyay qorshe lagu xallinayo khilaafaadka suuqa saadaasha (prediction markets), iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta maalgashadayaasha.
  • FCA (UK) ayaa dardargelinaysa hirgelinta xeerar cusub oo lagu maamulayo shirkadaha crypto si loo adkeeyo badbaadada hantida macaamiisha.
  • Doodaha la xiriira sharciga GENIUS Act (stablecoins-ka Mareykanka maamulaya) ayaa wali qayb ka ah isbeddellada nidaaminta maaliyadeed ee sanadkan.

3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Warar suuqa dhex socda ayaa sheegaya in BlackRock ay iibsaneyso xaddi la taaban karo oo BTC iyo ETH ah, iyadoo adeegsanaysa Coinbase Prime.
  • Sababo la xiriira walaaca dagaalada, in ka badan $228M ayaa laga saaray Bitcoin ETFs hal maalin gudaheed, taasoo hakad gelisay qulqulka (inflows) maalmihii u dambeeyey.

4. Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Pepeto ($PEPETO) token cusub oo presale-giisu soo ururiyey in ka badan $7.6M, waxa uu ballanqaaday xallinta caqabadaha cross-chain, gaar ahaan isku xirka mashruucyada sida Cardano.

5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • In ka badan $2.2B oo Bitcoin options ah ayaa maanta dhacaya, iyadoo qiimaha Bitcoin uu xilligan suuqu sheegayo ku dhow yahay $66,000 tani waxay kordhin kartaa jebinta ama taageerada qiimaha xilliga fureyaasha.
  • Dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo boorsooyin hay’adeed ah laga arkay wareejinno gaaraya ilaa 300 BTC iyo 10,000 ETH taasoo muujinaysa in Whales-ku ay fursad ka raadinayaan hoos u dhaca qiimaha.

6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Mashruucyo cusub sida BlockDAG ayaa soo baxaya, nidaamka DAG wuxuu si tartiib ah ula tartamayaa blockchain-ka caadiga ah isagoo bixiya xawaare sare iyo kharashyo hoose, taasoo soo jiidanaysa horumariyayaal iyo maalgashi tignoolajiyadeed.

7. AI & Web 3.0

  • Dowlado iyo hay’ado ayaa bilaabay mashaariic “Sovereign AI” oo lagu dhex darayo kaabayaasha Web3, si loo hubiyo in awoodda AI aysan keligood ku koobnayn shirkadaha gaarka loo leeyahay tani waxay fure u tahay adeegyo cusub oo tokenized ah iyo nidaamyo lagu xakameeyo xogta iyo aqoonta.

8. NFT & DeFi

  • DEX-yada waaweyn sida Uniswap ayaa la kulmaya isbedel yar oo liquidity shift ah cabsi ayaa ka muuqata iyadoo maalgashadayaashu ay u guurayaan assets-ka nabdoon inta dagaaladd socdaan. TVL ee DeFi wuxuu muujinayaa soo kabasho tartiib ah, halka mashruucyada NFT ay sii wadaan hal-abuurka iyo isku xirka DeFi.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *