Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 19-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.39 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $107.28 billion.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $541.09M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $442.78M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Xisbiga mucaaradka ee South Korea ayaa lagu soo waramayaa inay ka saari doonan qorshaha ah in canshuur ka badan 30% ah lagu soo rogo Crypto.

Bangiga dhexe ee dalka Japan ayaa heerka ribada ku daayay sidiisii oo ahayd 0.75%.

Dawladaha reer Yurup ee FranceGermanyUKItalyNetherlands, iyo Japan ayaa sheegay inay ku soo biireen madal wada hadal ah oo lagu furayo Marinka Hurmuz.

3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Crypto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub.

BTC: -$163.5M

ETH: -$55.7M

SOL: -$295.73K

4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dawladda Shiinaha ayaa iibsataye dahab gaaraya ilaa 16 bilood oo xidhiidh ah, iyada oo hadda haysata 2,309 tan oo qiime ahaan u dhigmato $370B.

5. AI iyo Web 3.0

Guddomiyaha Crypto.com ayaa sheegay inay dhimayaan 12% shaqaalahooda, maadaama adeegsiga AI kordhay

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *