Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 20-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hayβadaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.42Β tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ahΒ 0.29%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $5122.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $83.15M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Aqalka CadΒ ayaa soo bandhigay hab lagu hagayo xeerarka lagu maamuli doonoΒ AI-ga.GuddoomiyahaΒ CFTC,Β Mike Selig, ayaa sheegay inΒ KiribtoΒ uu horseedi doono βQaab cusub oo maaliyadeed,β maadaama suuqyadu si sii xooggan ay ugu guurayaanΒ on-chain.
DawladdaΒ RuushkaΒ ayaa soo bandhigtay inay joojin doonto xogaha sirdoon ee ay la wadaagayso Iiraan haddii Maraykanku joojiyo taageeradaΒ sirdoonΒ ee uu siinayo Ukraine.
3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Macaamiisha shirkaddΒ BlackRockΒ ayaa iska iibiyay $45.97MΒ oo Bitcoin ah.
ShirkaddaΒ CircleΒ ayaa soo daabacdayΒ 250MΒ oo $USDCΒ ah.
4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Maamulaha guud ee shirkaddΒ Robinhood,Β Vlad Tenev, ayaa ku boorriyayΒ Congress-ka inay oggolaadeen in faaβiido (yield) laga helo stablecoin ka, isaga oo sheegay in macaamiishu ay xaq u leeyihiin inay ka helaan dakhli kaydkoodaΒ stablecoinΒ sida akoonnada kaydka (savings account).
Maamulaha guud ee shirkaddΒ Strategy,Β Phong Le, ayaa tilmaamay in xitaaΒ 2% ooΒ BitcoinΒ ah oo laga helo hantida dhan $8TΒ ee ay Morgan Stanley maamusho inay ka dhigan tahay $160BΒ oo maalgashiΒ StrategyΒ soo galaysa ah, taasoo ka dhigaysa mid saddex jeer ka weynΒ ETF-kaΒ BlackRockΒ ee $IBIT.
Ku dhawaad kala badh shacabka Maraykanka waxay ka baqayaan inuu dhaco hoos u dhac dhaqaale tobanka sano ee soo socda.
5. Tiknooloojiyadda Blockchain
HaayaddaΒ SECΒ ayaa ansixisay soo jeedin ka timidΒ NasdaqΒ si loo soo bandhigo noocyo saamiyo laΒ Tokenize-gareen karo ah sidaΒ NvidiaΒ iyoΒ Tesla.





