Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 20-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.42 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.29%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $5122.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $83.15M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa 

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Aqalka Cad ayaa soo bandhigay hab lagu hagayo xeerarka lagu maamuli doono AI-ga.Guddoomiyaha CFTCMike Selig, ayaa sheegay in Kiribto uu horseedi doono “Qaab cusub oo maaliyadeed,” maadaama suuqyadu si sii xooggan ay ugu guurayaan on-chain.

Dawladda Ruushka ayaa soo bandhigtay inay joojin doonto xogaha sirdoon ee ay la wadaagayso Iiraan haddii Maraykanku joojiyo taageerada sirdoon ee uu siinayo Ukraine.

3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Macaamiisha shirkadd BlackRock ayaa iska iibiyay $45.97M oo Bitcoin ah.

Shirkadda Circle ayaa soo daabacday 250M oo $USDC ah.

4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha guud ee shirkadd RobinhoodVlad Tenev, ayaa ku boorriyay Congress-ka inay oggolaadeen in faa’iido (yield) laga helo stablecoin ka, isaga oo sheegay in macaamiishu ay xaq u leeyihiin inay ka helaan dakhli kaydkooda stablecoin sida akoonnada kaydka (savings account).

Maamulaha guud ee shirkadd StrategyPhong Le, ayaa tilmaamay in xitaa 2% oo Bitcoin ah oo laga helo hantida dhan $8T ee ay Morgan Stanley maamusho inay ka dhigan tahay $160B oo maalgashi Strategy soo galaysa ah, taasoo ka dhigaysa mid saddex jeer ka weyn ETF-ka BlackRock ee $IBIT.

Ku dhawaad kala badh shacabka Maraykanka waxay ka baqayaan inuu dhaco hoos u dhac dhaqaale tobanka sano ee soo socda.

5. Tiknooloojiyadda Blockchain

Haayadda SEC ayaa ansixisay soo jeedin ka timid Nasdaq si loo soo bandhigo noocyo saamiyo la Tokenize-gareen karo ah sida Nvidia iyo Tesla.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *