Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 22-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.

Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.

1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)

Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.36 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $68.75 billion.

Bitcoin ayaa weli hoggaaminaya suuqa, iyadoo BTC dominance uu joogo 58.15%. Taasi waxay ka dhigan tahay in suuqu weli xoogga saarayo Bitcoin, halkii uu si buuxda ugu wareegi lahaa altcoins. Altcoin Season Index-kuna wuxuu marayaa 51/100, taas oo muujinaysa in suuqu ku jiro marxalad kala-guur ah, balse aan wali la gaarin altseason buuxda. Dhanka dareenka maalgashadayaasha, Crypto Fear & Greed Index (Binance Square) wuxuu hadda ku jiraa 27, taas oo ah Fear; taasina waxay tusaysaa in suuqu weli yahay mid taxaddar leh oo damacu hooseeyo.

Stablecoins weli waxay yihiin laf-dhabarta lacagaha lagu kala wareejiyo suuqa. USDT wuxuu leeyahay market cap dhan $184.18 billion, iyadoo 24 saac gudahood lagu kala ganacsaday $58.34 billion. USDC-na wuxuu jooga $79 billion market cap, 24 saac waxaa lagu kala ganacsaday qiyaastii $5.7 billion. Sidoo kale, CoinMarketCap wuxuu sheegay in volume-ka stablecoins-ka guud ahaan uu gaaray $66.34 billion 24 saac gudahood, taasoo muujinaysa in stablecoins ay weli yihiin xudunta liquidity-ga suuqa.

  • Bitcoin (BTC): $68,683.04, hoos u dhac 2.31% 24 saac gudahood.
  • Ethereum (ETH): $2,078.30, hoos u dhac 3.23% 24 saac gudahood.
  • Binance Coin (BNB): $631.12, hoos u dhac 1.63% 24 saac gudahood.
  • Solana (SOL): $87.32, hoos u dhac 2.56% 24 saac gudahood.
  • XRP: $1.39, hoos u dhac 3.27% 24 saac gudahood.

2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Iiraan ayaa si adag uga digtay in haddii goobaha tamarta lagu beegsado ay jawaab culus ka bixin doonto, taasoo kordhin karta xiisadda gobolka oo dhan. Dhanka kale, wasiirka maaliyadda Brazil ayaa dib u dhigay qorshaha canshuurta crypto-ga, ilaa uu ka dhamaado xilliga doorashada madaxtinimada ee Oktoobar 2026.

3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Circle ayaa weli hoggaamineysa dhaqdhaqaaqa stablecoins-ka, waxaana xogta suuqa ee ugu dambeysay ay muujisay in USDC circulation-ku gaaray heer rikoor ah oo $79 billion ah bishii March 2026. Sidoo kale, warbixin kale ayaa sheegtay in Circle ay net ku daabacday in ka badan $8 billion USDC tan iyo bilowgii Febraayo, taas oo muujinaysa in baahida whale-yada iyo maalgashiga waaweyn ee stablecoins-ku ay weli xooggan tahay.

4. Mashaariicda Horumarineed ee Suuqa

Bitcoin ayaa dib u soo kabanaysa, waxaana warbixin maanta soo baxday ay sheegtay in uu 2.8% kor u kacay bishan Maarso, kadib markii uu hoos u dhacay 10.17% bishii Janaayo iyo 14.94% bishii Febraayo. Taas waxay muujinaysaa in suuqa crypto uu weli ku jiro marxalad kala-guur ah, balse xoogaa soo kabasho ah ay muuqato.

Dhanka Hindiya, CoinDCX waxaa hareeyay muran sharci kadib markii boolisku qabteen aasaasayaasheeda, iyadoo lagu eedeeyay khiyaano iyo jebin kalsooni maalgashi, halka shirkaddu ay beenisay eedeymahaas oo ay ku tilmaantay kuwo ka yimid dad isugu ekaysiinaya kuwa kale.

Sidoo kale, Resolv Labs stablecoin-keeda USR ayaa lumiyay peg-kii, kadib markii weeraryahan uu ka faa’iideystay khalad ku jiray contract-ka, taas oo suurtagelisay in la abuuro ilaa 80 milyan token, isla markaana laga saaro qiyaastii $25 milyan.

5. AI iyo Web 3.0

Dhanka AI iyo Web 3.0, Tencent ayaa maanta ku dhawaaqday isku-xirka WeChat iyo OpenClaw, iyadoo soo bandhigtay ClawBot oo ka caawinaya isticmaaleyaasha hawlo kala duwan gudaha app-ka. Sidoo kale, Elon Musk wuxuu shaaciyey mashruuca Terafab, oo ah qorshe ballaaran oo chip-soo-saar ah oo ay wada yeelanayaan Tesla, SpaceX, iyo xAI.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *