Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 03-ka April 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hay’adaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.31 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $64.95 billion.

Suuqa maanta waxaa ugu weyn waa dib u so noqoshad cabsi ka dhalatay Iran iyo hadallada Trump. Reuters waxay sheegtay in Trump uu ka digay weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Iran, halka News kale ay qoreen in Bitcoin uu ka soo dhacay agagaarka $67,376 ilaa $66,345 kadib warkaasi. Taas waxaa sii xoogeysay warbixinta shaqooyinka Maraykanka oo muujisay in March lagu daray 178,000 jobs iyo unemployment oo hoos ugu dhacday 4.3%, halka oil prices-ku ay sare ugu kaceen in ka badan $111 barrelkii, taas oo risk-off pressure ku kordhisay crypto iyo suuqyada kale.
Jawiga maanta waa mid suuqyadu sugayaan calaamad cad. Waxaa jira xoogaa soo kabasho ah oo ka muuqata crypto, balse ma ahan koror leh kalsooni buuxda. Traders-ku waxay hadda si dhow ula socdaan Strait of Hormuz, oil shock-ga, iyo waxa Fed-ku ka yeelayo sicirka ribada marka xogta dhaqaale ee cusub ay soo baxdo.
2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dhinaca sharciyeynta, maanta waxaa ugu weyn CFTC iyo DOJ oo dacwad ka gudbiyay saddex gobol oo Maraykan ah, iyagoo doonaya in ay joojiyaan isku dayga gobolladu ku maamulayaan prediction markets. Waxa sidoo kale xaqiijiyay in CFTC ay qabato in event contracts ay yihiin swaps oo ay ku jiraan xeerarka market-abuse, halka DOJ-na ay sii waday weerarka ka dhanka ah manipulation-ka suuqyada crypto.
Waxaa kale oo maanta muhiim ah Treasury oo furtay la-talin dadweyne oo ku saabsan xeerarka GENIUS Act ee stablecoins, taas oo sii caddeyneysa in Maraykanku uu hadda si rasmi ah u qaabaynayo nidaamka stablecoin-ka. Isla mar ahaantaana, Texas waxay crypto iyo prediction markets ku dartay mudnaanta sharci-dejinta ee xigta, halka Alabama ay DAOs siisay aqoonsi sharci under DUNA Act. Koonfur Kuuriya, Dunamu ayaa lagu amray in ay saxdo disclosure-keeda heshiiska Naver Financial, halka Bithumb ay IPO-ga dib ugu riixday post-2028 sabab la xiriirta cadaadiska regulatory-ga.
3. Horumarka Cusub ee Ka Socda Suuqa Crypto
Wararka cusub ee maanta ugu waaweyn waxaa ka mid ah Circle oo beegsanaysa wrapped Bitcoin market-ka iyadoo la adeegsanayo cirBTC si ay u gasho suuqa Ethereum iyo maalgashiga hay’adaha. Tani waxay muujinaysaa in tartanka wrapped assets uu mar kale xiiso yeeshaye, gaar ahaan marka stablecoin iyo tokenization ay noqdaan qayb ka mid ah capital markets-ka.
Dhanka event markets Polymarket waxay billowday stock iyo commodity contracts oo ay ku shaqaynayaan Pyth price feeds, halka Deepcoin ay noqotay CEX-kii ugu horreeyay ee si rasmi ah ula midooba Polymarket “event contracts”. Isla waqtigaas, Telegram Wallet waxay ku dartay 50x perpetuals oo ku saabsan metals, stocks, oil, iyo crypto, taas oo mini-app-ka Telegram ka dhigaysa meel si isku mar ah isugu keenta messaging, custody, iyo derivatives.
Dhanka payments-ka iyo business rails, SoFi waxay soo saartay Big Business Banking, kaas oo isku dara fiat iyo crypto rails gudaha hal nidaam regulated ah. Ripple iyaduna waxay daah furtay enterprise crypto treasury platform oo logu talagalay corporates, halka eToro ay heshay New York BitLicense oo ay crypto ka furtay 48 states ee Maraykanka ah. RootData waxay sidoo kale bilowday feature-ka “project claiming” oo kor u qaadaya transparency scores iyo traffic, taas oo muujinaysa in xogta iyo kalsoonidu ay noqdeen qayb ka mid ah tartanka suuqa.
4. Dhaqdhaqaaqa Whale Investments ee Saameeya Suuqa
Whales-ku maanta waxay muujiyeen laba jiho oo muhiim ah, ururin iyo dib-u-habayn. Eightco ayaa noqotay public company-ga ugu weyn ee haysta Worldcoin (WLD), iyadoo ku shubtay qiyaastii $326 million, taas oo muujinaysa in AI iyo identity-related assets ay soo jiidanayaan lacag weyn. Dhanka kale, Coinbase Bitcoin premium oo mar kale positive noqday ayaa sii xoojinaya fikradda ah in U.S. demand ay dib u soo kacayso.
Laakiin maalgashiga treasury-ga ee qaar ka mid ah shirkadaha waa ay kala duwan yihiin. Riot Platforms waxay Q1 ka iibisay 3,778 BTC, halka Genius Group ay iibisay dhammaan Bitcoin treasury-keedii si ay deyn u bixiso. Tani waxay muujinaysaa in qaar ka mid ah miners iyo treasury holders ay hadda mudnaanta siinayaan lacag caddaan ah iyo deyn yarayn, halkii ay ka sii hayn lahaayeen BTC muddo dheer.
5. AI iyo Web 3.0
Qaybta AI iyo Web3 maanta waa mid si weyn ugu xiiso leh. OpenAI waxay iibsatay TBPN si ay u xoojiso istaraatijiyadda wada-hadalka iyo warbaahinta ee AI, halka Google iyo Microsoft ay taageereen x402 Foundation si loo standardize-gareeyo AI-driven crypto payments. Coinbase iyo Cloudflare ayaa ka mid ah aasaasayaasha, taas oo x402 ka dhigaysa isku-dhafka ugu cusub ee internet payments iyo agentic commerce.
Google sidoo kale waxay soo saartay Gemma 4, oo ay ku tilmaantay open model-keeda ugu horumarsan ee reasoning iyo agentic workflows. Isla waqtigaas, Microsoft waxay ku dhawaaqday $10 billion oo ay Japan ku bixinayso AI expansion, cyber defense, iyo talent development. Tani waxay muujinaysaa in AI infrastructure iyo digital payments ay isu soo dhowaanayaan, Web3-ga uu ka mid noqonayo kaabayaasha cusub ee lagu dhisayo dhaqaalaha dijitaalka ah.
6. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin waxay Q1 ku soo xireen xaalad casaan ah. News manta waxa u sheegay in Bitcoin ETFs ay Q1 ku dhammeeyeen outflows, inkastoo March ay keentay xoogaa inflow ah, halka CoinShares ay diiwaangelisay $414 million oo crypto fund outflow ah iyadoo Fed fears iyo risk-off sentiment ay cadaadis saareen suuqyada. Taasi waxay muujinaysaa in hay’aduhu weli maalgashanayaan, balse ay si aad ah ula socdaan macro iyo geopolitics.
Suuqa derivatives-ka hay’adaha sidoo kale waa mid aad u xoog badan. CoinGlass waxay sheegtay in Binance ay hoggaamisay Q1 crypto derivatives-ka, iyadoo Hyperliquid ay gashay top 10. Isla mar ahaantaana, BitGo waxay bilowday unified crypto financing platform oo u oggolaanaysa institutions inay amaahdaan oo ay amaahiyaan crypto holdings-kooda, taas oo sii xoojinaysa in crypto uu ka gudbayo trading oo keliya, una gudbayo structured finance.
7. Amniga
Dhinaca amniga, DeepMind waxay ka digtay lix nooc oo web-based attacks ah oo xakameyn kara AI agents, taas oo ka dhigaysa agent security mid ka mid ah halista ugu weyn ee AI-ga cusub. SlowMist ayaa sidoo kale xaqiijisay in aysan jirin private key leakage oo ka dhacay OKX Wallet, halka Zcash ay si degdeg ah u patch-gareysay bug halis ah oo saameynayay Sprout shielded pool.
Illicit finance-ka ayaa sidoo kale maanta lagu hayaa cadaadis xooggan. DOJ waxay dacwad ku soo oogtay 10 qof oo la xiriira Gotbit, Vortex, Antier, iyo Contrarian gudaha wash trading case, halka Shiinuhu u qaaday Li Xiong oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa scam iyo money laundering network. Koonfur Kuuriya-na waxay gacanta ku dhigtay qof lagu tilmaamay “drug lord”, iyadoo baarayaashu ay raadinayaan Bitcoin trail-ka lacagaha dambiyada.
Warbixinta maanta waxay si cad u muujinaysaa in crypto uu ku jiro marxalad ay isku mar saameynayaan Iran iyo oil shock, sharciyeyn cusub oo stablecoins, prediction markets, iyo DAOs ah, AI & payments integration, iyo ETF/outflow pressure. Bitcoin wuxuu ku dhex jiraa range adag, laakiin dhaqdhaqaaqyada cusub ee cirBTC, x402, Gemma 4, Polymarket, Ripple Treasury, eToro, iyo BitGo waxay muujinayaan in warshaddu aanay istaagin ee ay si degdeg ah u qaan-garayso.