Falanqaynta Maalinlaha ah ee Suuqa Kiribto 12-ka Marso 2026

Ku soo dhowaada warbixinta maalinlaha ah ee suuqa Kiribto. Qormadan waxaan ku falanqeyn doonnaa arrimaha ugu kulul ee la xiriira crypto iyo tiknoolajiyadda Blockchain, oo ay ku jiraan DeFi, CeFi, NFT, AI, Web 3.0, iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha dunida.
Halkan waxaad ka heli doontaa soo koobid iyo faahfaahin ku saabsan dhacdooyinka ugu dambeeyay ee saameynaya suuqa Kiribto iyo dhaqaalaha caalamka. Waxaan diiradda saareynaa isbeddelada qiimaha iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, sharciyada cusub ee dawladuhu soo saaraan, sida bangiyada iyo hayβadaha waaweyn ula jaanqaadayaan crypto, iyo horumarrada cusub ee ka socda tiknoolajiyadda Blockchain.
1. Xaaladda Guud ee Suuqa (Maanta)
Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.39 trillion, halkaΒ (Volume)Β hantida guud ee suuqa la isku dhaafsadayΒ 24 saacΒ u dambaysay ay gaaraysoΒ $95.8 billion.

Awooda suuqa DominanceΒ waxaa haysto maanta CoinkaΒ BitcoinΒ awood dhanΒ %58.7Β halkaΒ AltcoinsΒ ay haystaan awood dhanΒ 41.3%
Altcoin season IndexΒ waxa uu sheegayaa in uu yaheyΒ 27%Β taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
Fear and Greed indexΒ halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaa inuu yahayΒ 39%Β taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
StablecoinsΒ sidaΒ USDTΒ iyoΒ USDCΒ ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto.Β USDTΒ waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhanΒ $81.03 billionΒ halkaΒ USDCΒ lagu kala ganacsadayΒ $11.45 billion.

Bitcoin (BTC)Β waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah ee Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa mantaΒ $70,145.96
Ethereum (ETH)Β waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaaΒ $2,065.08
Binance Coin (BNB)β waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaaΒ $649.42
Solana (SOL)β waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahay Blockchainta loogu adeegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaaΒ $86.62.
Rippe (XRP)β waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatanΒ $1.37.
2. Xaaladda Suuqa Crypto
Suuqa kiribto maanta wuxuu muujiyay dhaqdhaqaaq deggan iyadoo Bitcoin uu ku wareegayo qiyaastii $69Kβ$70K. Khubarada ayaa sheegaya in BTC uu ku jiro range u dhexeeya $64K ilaa $74K, iyadoo suuqyadu sugayaan xog cusub oo dhaqaale iyo siyaasadeed. Sidoo kale Ethereum wuxuu ku dhow yahay $2,000.
3. Maalgashiga Whales
Xog cusub ayaa muujisay in maalgashadayaasha waaweyn (whales) ay sii kordhinayaan kaydka Bitcoin, iyadoo wallets waaweyn ay hadda hayaan malaayiin BTC. Tani waxay muujinaysaa in maalgashadayaasha waaweyn ay wali aaminsan yihiin mustaqbalka suuqa crypto.
4. ETFs & Maalgashiga Hayβadaha
Shirkadda maareynta hantida ee BlackRock ayaa sii ballaarineysa maalgashiga crypto, iyadoo ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay soo jiidanayaan maalgashi badan oo ka imanaya hayβadaha waaweyn. ETF-yadan ayaa noqday mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenaya lacag cusub oo soo gasha suuqa crypto.
5. Bangiyo Waaweyn oo Soo Galaya Crypto
Shirkadda maaliyadeed ee Charles Schwab ayaa qorsheyneysa inay bilaabato adeeg cusub oo u oggolaanaya macaamiisha inay si toos ah u iibsadaan crypto sida Bitcoin iyo Ethereum. Tani waxay muujineysaa in bangiyada dhaqameed ay si tartiib ah u soo galayaan suuqa crypto.
6. Maalgashi Weyn oo Lagu Sameeyay Bitcoin
Shirkadda Strategy (oo caan ku ah kaydinta Bitcoin) ayaa dhowaan iibsatay ku dhowaad $1.3 bilyan oo Bitcoin ah, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah shirkadaha ugu badan ee haysta BTC. Iibsigan cusub wuxuu muujinayaa in qaar ka mid ah shirkadaha ay sii wadaan uruurinta Bitcoin inkastoo uu jiro volatility suuqa.
7. Siyaasadda & Saamaynta Suuqa
Wararka siyaasadeed ee caalamka, gaar ahaan xiisadaha Bariga Dhexe, ayaa saameyn ku yeeshay suuqyada maaliyadeed oo ay ku jirto crypto. Markii xaaladaha siyaasadeed ay yara degeen, qiimaha Bitcoin, Ethereum, iyo XRP ayaa wax yar kor u kacay.
8. Saadaasha Suuqa Crypto
Warbixin cusub oo ka timid cilmi-baarayaasha Binance ayaa sheegaysa in Bitcoin uu mar kale sameyn karo koror weyn kadib doorashooyinka Mareykanka, maadaama taariikh ahaan suuqyada maaliyadeed ay kor u kacaan marka hubanti laβaanta siyaasadeed ay yaraato.





